U bood qoraalka
Thursday, October 29, 2026 17 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 30°C
Deg-deg: Madaxweyne Xasan Sheekh oo hakiyay safarkii Ruushka amid weerarro Al-Shabaab iyo xiisadaha doorashada
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Khasaare xooggan oo ka dhashay dab qabsaday kaalin shidaal oo kutaala magaalada Garowe

Follow
Newsroom published Updated 2 years ago 1-minute read
Khasaare xooggan oo ka dhashay dab qabsaday kaalin shidaal oo kutaala magaalada Garowe

Sabti, September, 7, 2024 (AX) – Khasaare ba’an ayaa ka dhashay dab xalay qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla magaalada Garowe, caasimadda maamulka Waqooyi Bari. Muuqaallo maanta laga soo duubay goobta ayaa muujinaya gaadiid iyo dhismayaal badan oo ku basbeelay dabka.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii gaari ku jiray geerish ku yaalla meel u dhow kaalinta shidaalka uu dab ka kacay. Dabka ayaa ku fiday kaalinta shidaalka iyo dhismayaal kale oo ku dhowaa goobta ay dabku ka bilowday.

- Advertisement -

Gaadiidkii ku jiray geerishka ayaa si buuxda u gubtay, iyadoo geerishku uu ahaa meel baabuurta lagu xareeyo. Gaariga uu dabka ka kacay ayaa ahaa booyad shidaal siday oo dhextaalay geerishka.

Sida laga soo xigtay ilo ku dhow goobta, sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dabkaan lama xaqiijin illaa iyo hadda. Hay’adaha amniga ee Waqooyi Bari ayaa si firfircoon u wadda baaritaan ku aaddan sababta dabka dhalisay. Hal qof oo ahaa ilaalada geerishka ayuu soo gaaray dhaawac fudud.

Dabkaan ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan maamulka degmada Garowe uu mamnuucay kaalimaha shidaalka ee laga sameynayo meelaha saxmadda badan, taasoo ka mid ahayd tallaabooyin looga hortagayo khataraha noocan oo kale ah.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes