Browsing Tag

khasaare

Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 Axad, Juun, 30, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa amaanka.Qaraxaan miino oo ahaa nooca wadada dhinaceeda la dhigo ayaa lala eegtay gaari ay wateen ciidamada Boliisa Militaare, waxaana la xaqijjiyay in qaraxaasi uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidanka oo magaciisa lagu sheegay Abshir shaafici.Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo qaraxa kadib goobta gaaray ayaa halkaasi ka sameeyay…

Dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Qoryooleey

 Arbaco, Juun, 19, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa gudaha magaalada Qoryooleey ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga, kuwaas oo horay ugu wada dagaalamay gudaha degmadaasi iyo deegaano hoostaaga.Beelaha dirirtu maanta ku dhexmartay Qoryooley oo kala Garre iyo Jiide ayaa colaada u dhaxeysa waxay ka bilaabayay dilal ku saleysan aanooyin…

Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka socda gobolka Galgaduud

Sabti, Juun, 8, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Laandheere oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.Dagaalkaan ka socda deegaanka Laandheere oo 20 KM u jira deegaanka Huurshe ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale, kaasoo geystay khasaare kala duwan.Inta la xaqiijiyay dagaalkaan oo bilawday Salaadi subax kadib waxaa ku geeriyooday ilaa sideed ruux oo laba dhinac ah…

Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo Maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel barafaange oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo wada dega bariga Galgaduud, waxaana la soo wariyay in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka…

Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabagal ah oo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen kolanyo ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya oo ku socdaalayay duuleedka magaalada Gaarisa.Weerarka dhabagalka ah ayaa si gaara uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Ijaara, waxaana halkaas Al-shabaab iyo ciidamada Booliiska dalka Kenya ku dhexmaray dagaal xoogan oo qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More