Skip to content
Sunday, October 4, 2026 21 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:35
Muqdisho 25°C
Breaking: Mustafa Omar Begins Second Leadership Term With Renewed Mandate and Promise of Progress
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Jamhuuriyadda Saddexaad: Maalintii Soomaaliya ka xumaatay iyo waddadii burburka

Follow
Newsroom published Updated 2 hours ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Jamhuuriyadda Saddexaad: Maalin ay Soomaaliya ka xuntahay mise waddadii burburka?

Falanqeyn Siyaasadeed

26 sano kaddib, Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya waxay wajahaysaa mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa tan iyo markii la aas-aasay. Maalintan oo ahayd in lagu xuso horumar, dib-u-dhis iyo rajo siyaasadeed, ayaa beddelkeeda noqotay waqti ay Soomaaliya ka muuqato walaac qoto dheer.

Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamuud, oo muddo xileedkiisu dhammaaday, waxay dhexda kaga jirtaa xaalad siyaasadeed oo cakiran. Ma jiro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, inta badan dowlad-goboleedyaduna heshiis buuxa lama laha dowladda dhexe. Su’aalo culus ayaa sidoo kale hareeyay sharciyadda siyaasadeed, iyadoo aan la helin guddi doorasho oo dhammaan dhinacyada siyaasaddu ku qanacsan yihiin iyo hannaan doorasho oo si guud loo isla oggol yahay.

Xaaladda waxaa sii murjinaya isbeddellada ku saabsan doorka beesha caalamka. Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu xirmo dhammaadka bishan Oktoobar, halka maalgelinta ciidamada AUSSOM ee taageera amniga dowladda Federaalka ay bisha December wajahayso isbeddel muhiim ah.

Dhanka kale, colaadaha iyo xiisadaha ka taagan gobolka, gaar ahaan kuwa saameynaya mandiqadda Badda Cas iyo marinka Bab-el-Mandeb, waxay Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed ku yeelan karaan saameyn toos ah iyo mid dadban. Maaddaama Soomaaliya ay ku taallo goob istaraatiiji ah, ma fududa in dalka laga indho-tiro khataraha ka dhasha xasillooni-darrada gobolka.

Marka la eego duruufahan is biirsaday, su’aasha taagan waxay tahay: Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maanta ku loollamaya awoodda iyo kursiga ma garowsan yihiin khataraha dalka ku soo wajahan?

Haddii ay garowsan yihiin, maxay u soo bandhigi la’yihiin xal siyaasadeed oo Soomaaliya looga saaro xaaladdan adag? Ma jirtaa waddo ay dhinacyadu ugu laaban karaan miiska wada-hadalka si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay iyo dowladnimo ay dhammaan dhinacyada Soomaalidu wada leeyihiin?

Su’aasha ka sii culus ayaa ah: Ma siyaasiyiintu waxay qorsheynayaan inay khilaafka sii wadaan ilaa ay daciifto ama burburto Jamhuuriyadda Saddexaad?

Su’aashani ma beegsanayso dhinac gaar ah, balse waxay quseysaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Xilligan adag wuxuu u baahan yahay in laga gudbo loollanka kursiga iyo danaha siyaasadeed ee muddada gaaban, lana hormariyo badbaadada dalka, heshiis siyaasadeed iyo mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed.

Haddii la doonayo in la badbaadiyo Jamhuuriyadda Saddexaad, baahideedu waa mid taagan maanta: heshiis siyaasadeed, aragti qaran iyo hoggaan awood u leh inuu dhinacyada kala duwan isku keeno.

[email protected]

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes