Browsing Tag

ay

Garowe iyo labo degmo oo katirsan gobolka Nugaal oo ay socdaan doorashooyin qof iyo cod ah

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Saddex kamid ah degmooyinka Puntland oo kala ah, Garowe, oo ah caasimadda Puntland, Dangorayo iyo Godobjiraan ayaa waxaa maanta ka socda doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ay ku tartamayaan xisbiyada kala duwan.Doorashadan oo horey ugu baaqatay carqaladihii amni ee ka dhacay magaalada Garowe sannadkii hore, islamarkaana uu dhiig badan ku daatay, ayaa maanta si ballaaran looga qabtay saddexda degmo.Maamulka Puntland ayaa sheegay in la xaliyay tabashooyin ay qabeen qaar kamid ah…

Gobaladda Waqooyi oo ku eedaysay dowlada Soomaaliya in ay ku fogaantahay duminta nabadeeda

 Talaado, Luulyo, 23, 2024 (AX) - Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in is-fahanka Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya uu muhiim u yahay iskaashiga iyo horumarka labada dhinac.Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada, ayaa lagu sheegay in Gobaladda Waqooyi ay tahay waddan madaxbannaan oo waddamada caalamka heshiisyo la gali kara, lakiin ay dowlada Soomaaliya dagaal kula jirto."Waa wax laga xumaado in maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh ee aan maamulin caasimadiisa, in uu ku hawlanyahay falal ay ku waxyeelaynayo amniga…

Itoobiya oo ka jawaabtay eedeymo ay u jeedisay dowladda Soomaaliya

 Jimco, Luulyo, 26, 2024 (AX) - Xukumada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay Warsaxafadeed ay isaga fogeyneyso eedeymo ay u jeedisay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid aheyd hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq.Warsaxaafadeed ayaa kasoo baxay Xafiiska Wasaarada arrimaha dibadda dalka Itoobiya oo ku qornaa Af-Soomaali iyo Ingiriis ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto hadalada kicinta ah ee kasoo yeerayay dhawaanahaan dambe dowladda Soomaaliya.Itoobiya ayaa sheegtay in dhamaan…

Gobaladda Waqooyi oo uga digtay Turkiga in ciidamadiisa baddu ay usoo gudbaad xeebaheeda

 Arbaco, Luulyo, 24, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in anay ogolaandoonin in Ciidamada Badda Turkiga ee la rajaynayo in ay yimaadaan xeebaha Soomaaliya ay usoo gudbaad xeebaheeda.Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa lagu baahiyay diidmada Gobaladda Waqooyi ee imaanshaha ciidamada Turkiga, xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in Turkigu aanu ciidamo keeni karin xeebaheeda."Xukumada Gobaladda Waqooyi waxay si adag uga soo horjeeda in ciidamo la keeno xeebaha la aqoonsanyahay ee Gobaladda…

Madaxweynaha Jubbaland oo ciidamada uga digay qorshe kale oo ay damacsan yihiin Al-shabaab

 Khamiis, Luulyo, 25, 2024 (AX) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan uu ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan geystay.Axmed Madoobe oo ciidamada ku sugan Buulo Xaaji kula hadlay goob fagaare ah ayaa ugu horeyn ku boggaadiyay guulaha ay ka gaareen weerarkii Al-shabaab kusoo qaaday Isniintii lasoo dhaafay deegaanka Buulo Xaaji, isagoona uga digay ciidanka weerar kale oo aargudasho ah oo ay kooxda soo…

Gobaladda Waqooyi oo ka hadashay markab ay dhawaan Xuutiyiintu weerareen

 Khamiis, Luulyo, 25, 2024 (AX) - Gobaladda Waqooyi ayaa ka hadashay markab alaab ku rogay Dekeda Berbera, oo ay weerar u gayasteen kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen.Wasiirka Arrimaha Guddaha Gobaladda Waqooyi Maxamed Kaahin Axmed oo waraysi siiyay Idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay markabka ku weerareen meel ka baxsan biyaha Gobaladda Waqooyi."Markabkaasi waxa uu ku gooshaayay calanka dowlada Singabuur, markii la weeraray kumuu jirin mas'uuliyad badeedka Gobaladda Waqooyi, xadkeena kuma jirin, marinka…

Turkiga oo bixiyay qeyb ka mid ah deynta Soomaaliya ay ku leedahay IMF

Jimco- Turkiga ayaa siiyay ku dhowaad 3.4 milyan oo deyn ah oo Soomaaliya ay ku leedahay Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF), iyada oo qayb ka ah dadaallada la bilaabay horaantii sanadkan si looga cafiyo deymaha culus ee dalalka dakhligoodu hooseeyo. Sida ku xusan Heshiiska Caalamiga ah ee la soo saaray 5-tii Nofeembar, Turkiga wuxuu ugu deeqay Soomaaliya ilaa 3.4 milyan oo doollar oo loogu talagalay barnaamijka IMF ee Wadamada Saboolka ah (HIPC). Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dhow iyo iskaashi tan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More