Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba jeer loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Labadii xilli ee uu xilka hayey, wuxuu hoggaankiisa ku saleeyey hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin: “Soomaalia oo heshiis ah, dunidana heshiis la ah” iyo “Qabyo ninkeed ayaa dhameeya.”
Marka la eego labadaas hal-ku-dheg, su’aasha maanta taagan ayaa ah: Soomaaliya intee ayay dhab ahaan heshiis u tahay?
- Advertisement -
Aragtidayda, halkii dalka laga filayey inuu isu soo dhowaado, waxaa sii qoto dheeraaday kala fogaanshaha siyaasadeed. North Western State of Somalia waxay xoojisay heshiisyo iyo xiriirro cusub oo ay la yeelatay dhinacyo caalami ah, oo ay ku jirto Israel. Puntland State waxay xiriirro dhow la samaysatay Imaaraadka Carabta, halka Jubbaland ay xiriirro xooggan la leedahay Kenya iyo UAE. Koonfur Galbeed waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo culus, halka Hiiraan iyo deegaanno kale ay ka muuqdaan dhaqdhaqaaqyo tilmaamaya in kalsoonidii lagu qabay dowladda dhexe ay sii daciifayso. Taas waxaa caddayn u ah in Hiiraan xiriir la samaysatay Al-Shabaab.
Sidaas darteed, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: Soomaaliya ma isu timid mise waxay u sii kala dhaqaaqaysaa dhinacyo kala duwan?
Hal-ku-dhegga labaadna wuxuu mudan yahay in si gaar ah loo eego: “Qabyo ninkeed ayaa dhameeya.” Xasan Sheekh maanta wuxuu hoggaaminayaa dowlad ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu weyn ee jihaynta dalka. Hase yeeshee, dhaliisha siyaasadeed ee loo jeedinayo ayaa ah in halkii uu dhammaystiri lahaa wixii hore u qabyo ahaa, uu Soomaaliya geliyey khilaafyo cusub, isla markaana wiiqay hay’adihii dowladda iyo kalsoonidii siyaasadeed.
Shacabka Soomaaliyeed waxay sannado badan rajaynayeen inay ka gudbaan burburkii iyo kala qaybsanaantii dalka soo maray. Haddii jihada siyaasadeed ee maanta ay sii xoojiso kala fogaanshaha maamul-goboleedyada, khilaafaadka gudaha iyo faragelinta dibadda, waxaa soo baxaysa cabsi ah in Soomaaliya dib ugu noqoto xaalado ay hore uga soo gudubtay.
Dowladnimo kuma koobna hal-ku-dheg. Waxay ku dhisan tahay heshiis siyaasadeed, kalsooni, sharciyad iyo awood lagu mideeyo shacabka. Haddii dowladda dhexe ku guuldarraysato inay tiirarkaas dhisto, taariikhdu waxay xukumi kartaa in halkii “qabyo ninkeed dhammeeyo” laga hirgelin lahaa, la abuuray qabyo kale.
Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaan dadka isu keena, ee aan sii kala fogeyn; heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, ee aan ku dhisnayn dano gaar ah; iyo dowladnimo ay shacabka ku kalsoonaan karaan.
Alloow arrimaha Soomaaliya noo sahal.
_________________________________________
[email protected]