Tuug U Dhacay Guriga Cristiano Ronaldo Saaka & Wixii Uu

Guriga Cristiano Ronaldo ee ku yaala jasiirada uu ka soo jeedo ee Madeira ee dalkiisa Portugal ayaa tuug uu u dhacay maanta Oo Jimce ah iyadoo tuuga uu xaday alaabo kaa yaabin doona.

Tuuga ayaa doortay inuu xabsi u galo oo uu xado maaliyada Juventus oo uu saxiixay Ronaldo oo taalay guriga iyo alaabo kale oo aan qiimo u laheyn xiddigii hore ee Real Madrid oo guriga yaalay.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Portugal, tuuga ayaa guriga ka galay garaashka ka dib markii uu mid ka mid ah shaqaalaha guriga uu furay albaabka garaashka.

Markii uu gudaha galay tuuga oo durbaba la qabtay ayaa xadooyadiisa ka bilaabay koofi uu lahaa Cristiano ka dib wuxuu qaatay maaliyad Juventus ah uu saxiixay kabtanka Portugal.

Boliiska ayaa aqoonsaday tuugaan ka dib markii ay eegeen kaamirooyinka ku xirnaa guriga taasoo sahashay in la soo qabto.

Gurigaan ayaa ah mid ay Ronaldo iyo qoyskiisa waqtiga fasaxa ku nool yihiin, inta badan marka uu Ronaldo helo fasax waxa uu isaga saaxiibtiisa Georgina iyo caruurtooda ay waqti ku qaataan gurigaan.

Guriga ayaa ka kooban todoba dabaq, wuxuu leeyahay labo barkad oo kuwa dabaasha ah oo waa weyn, garoon yar oo kubada lagu ciyaaro, waxaana guriga ku nool hooyadiisa Dalores Aveira iyo walaalkiis ka weyn Hugo.

Laakiin lama oga haddii hooyadiis iyo walaalkiis ka weyn ay guriga joogeen markii uu tuuga galay guriga.

Markii ugu danbeysay ee uu Ronaldo ku sugnaa gurigiisa Madeira waxay aheyd bishii March 2020 markaasoo xiddig ka mid ah Juventus laga helay Korona Fayrus.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More