Chelsea Oo Werwer Cusub Soo Food-saaray, Saxeexii Ugu

Frank Lampard ayay suurtogal tahay inuu kusii jiro xaaladdii gool-haye xumada ahayd, kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay saxeexii cusbaa ee Blues samaysay xagaagan ee Edouard Mendy oo waxyeello kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa ee waddankiisa Senegal.

Mendy oo xili ciyaareed cajiib ahaa kusoo qaatay Rennes oo uu ka caawiyey in markii ugu horreysay taariikhdeeda ay usoo baxdo tartanka Champions League ayaa waxa uu 22 milyan oo Gini ugu wareegay Chelsea xagaagii tegay, isagoo ahaa saxeexii dhamaystiray dhismaha kooxda ee la filayay inuu ka saaro dhibaatadii dhinaca goolka ka haysatay Blues.

Laakiin laacibkan oo qalinka ugu duugay Chelsea heshiis shan sannadood ah, isla markaana kusoo bilowday kulankii Sabtidii ee horyaalka Premier League ay isku haleeleen Crystal Palace ayaa waxa suurtogal ah inuu seego ciyaaraha kooxdiisa ee soo socda.

Laacibkan 28 jirka ah ayaa laga saaray tababarka xulka qaranka Senegal Khamiistii shalay, waxaanu dib ugu duulay waddanka Ingiriiska isaga oo aan ciyaari karin kulanka dalkiisu Jimcaha maanta la dheelayo Morocco.

Shaqaalaha caafimaadka Chelsea ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan dhaawaca Mendy, laakiin war-saxaafadadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Senegal ayaa lagu sheegay nooca dhaawac gaadhay Edouard Mendy.

War-saxaafadeedka Xidhiidhka Senegal ayaa lagu yidhi: “Xidhiidhka kubadda cagta Senegal waxa uu xaqiijinayaa in goolhayaha qaranka ee Edouard Mendy uu soo gaadhay dhaawac muruqa lugta midig ah isaga oo tababarka ku jira Arbacadii, October 07, 2020, waxaanu baadhitaano ku maray cusbitaalka ku yaalla Rabat.

“Edouard Mendy waxa kale uu ka tegayy ciyaartoyda kooxda galabta (shalay galabtii) si uu ugu laabto kooxdiisa Chelsea, halkaas oo uu ku mari doono  baadhitaano dheeraad ah.”

Xidhiidhka Senegal waxa uu Edouard Mendy  u rajeeyey soo kabasho degdeg ah, iyagoo yidhi: “Xidhiidhka kubadda cagta Senegal waxa uu u rajaynayaa Mendy inuu si degdeg usoo kabto. Waxa beddelaya goolhayaha da’yarta U20 ee Boubacar Fall oo Rabat soo gaadhi doono caweyska hore.”

Si kastaba, Chelsea ayaa laga sugayaa inay warbixin caafimaad kasoo saarto dhaawaca goolhaye Edouard Mendy marka ay baadhitaannada ku sameeyaan Jimcaha ama Sabtida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More