Skip to content
Sunday, October 11, 2026 28 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:45
Muqdisho 28°C
Breaking: US Justice Department Probes TV Networks Over Trump Pool Boycott
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Premier League Bishii

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Premier-League1

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay ciyaaryahanka kusoo guuleystay xiddigii ugu fiicnaa horyaalkaas bishii dhammaatay ee September waxaana loo doortay weeraryahanka Everton ee Dominic Calvert-Lewin oo wakhtigii ugu fiicnaa noloshiisa ku jira.

Calvert Lewin ayaa ilaa hadda lix gool afar kulan oo Premier League ah kasoo dhaliyay halka uu sagaal gool kusoo dhaliyay lix kulan oo tartamada oo dhan ah.

Intaas waxa dheer in Dominic markiisii ugu horreysay abid looga yeedhay xulka qarankiisa England isla markaana uu kulankiisii ugu horreeyay oo xalay ahaa gool kasoo dhaliyay xulka Wales.

Shantii gool ee uu Calvert-Lewin bishii September kasoo dhaliyay horyaalka ayaa kasoo caawisay Everton inay markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1993-94 saddexdooda kulan ee ugu horreeya horyaalka soo guuleystaan.

Calvert-Lewin ayaa xilli ciyaareedka ku bilawday inuu kulankii furitaanka ee kooxdiisa goolka guusha kasoo dhaliyay Tottenham oo ay booqdeen kahor inta uusan saddexley ka dhalinin West Bromwich Albion isagoo markale Crystal Palace shabaqa kasoo taabtay.

23 sano jirkan ayaa ah xiddigii ugu horreeyay ee Toffees ka tirsan ee ku guuleysta abaalmarintaas tan iyo 2017-kii markaas oo uu Romelu Lukaku soo hantay.

Dominic ayaa kaga guuleystay abaalmarinta xiddigaha kala ah Harry Kane, Patrick Bamford, Timothy Castagne, Jamie Vardy, Tariq Lamptey iyo James Rodriguez oo ay isku koox yihiin.

How do you rate this story?

0 votes