Aaron Wan-Bissaka Oo Bogiisa Ka Tiray Calanka England Kuna

Aaron Wan-Bissaka ayaa si maldahan u sheegay inuu xul bedelanayo isagoo Instagram ku muujiyay xulka uu doonayo inuu u ciyaaro ka dib markii uu bogiisa Instagram ka masaxay calanka England.

Wan-Bissaka ayaa Manchester United kaga soo biiray kooxda Crystal Palace sannadkii 2019, waxaana uu ka mid ah noqday xiddigaha daafaca ee ugu muhiimsan ee Shayaadiinta Cas Cas.

Laakiin tababaraha xulka England Garteh Southgate ayaan weli si buuxda ugu soo yeerin 22 jirkaan isagoo ka doorbiday daafacyada garab ee weerartama ee xiddiga Liverpool Alexander-Arnold, kan Chelsea Reece James iyo xiddiga Atletico Madrid Keiran Trippier.

Wan-Bissaka oo taas ka jawaab celinaya ayaa calnak England ka masaxay akoonkiisa Twitter isagoo ku reebay kaliya calanka dalka uu asal ahaan ka soo jeedo ee DR Congo.

Wan-Bissaka ayaa u soo ciyaaray xulalka da’ yarta ee labada dal laakiin weli ma uusan safanin tartan rasmi ah uu matalayo midkoodna labada dal taasoo ka dhigan in daafaca Man United uu weli u ciyaari karo England ama DR Congo.

Haddii tababare Southgate uu iska sii indhotiro Wan-Bissaka, waxay u badan tahay in 22 jirkaan uu si rasmi ah u dooran doono inuu matalo xulka DR Congo oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Daaficiii hore ee Crystal Palace ayaa 35 kulan saftay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Old Trafford isagoo ka caawiyay United inay ku dhameysato kaalinta seddexaad.

Dhanka kale xulka England ayaa kulan saaxiibtinimo waxay 3-0 kaga badiyeen xalay xulka Wales xalay iyadoo weeraryahanka wacdaraha dhigaya Calvert-Lewin uu gool dhaliyay kulankiisii ugu horeysay ee xulka England.

Conor Coady iyo Danny Ings ayaa iyagana shabaqa soo taabtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More