“Waayihiisii Liverpool Wuu Soo Dhammaaday” – Xiddig

Da’yarka kooxda Liverpool ee Marko Grujic oo dhawaan dhammaystiray heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah oo uu kusoo joogayo kooxda ree Portugal ee FC Porto ayaa gantaal kusoo ganay goolhayaha kooxdiisa ee Adrian.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku qasbanaaday inuu goolhayaha ree Spain shaxdiisa kusoo bilaabo kaddib markii uu dhaawac garabka ahi gaadhay goolhayaha dookha koowaad ee Alisson Becker.

Kaddib markii uu kulanku afar daqiiqo socday, Adrian ayaa hadiyadeeyay goolka furitaanka ee uu Ollie Watkins oo saddexley ka dhaliyay shabaqa dhex dhigay kaddib markii uu goolhayuhu qaldan baas uu u waday Joe Gomez.

Liverpool ayaa ugu dambayn natiijo 7-2 ah ku guuldarraysatay waana guuldarradii ugu cuslayd ee abid gaadha koox difaacanaysa horyaalka Premier League.

Marko Grujic oo barta Instagram ee Watkins aragtidiisa qaybta faalada ku dhiibtay ayaa sheegay inay macquul tahay in ay ahayd kulankii ugu dambeeyay ee Adrian u ciyaaro Reds maadaama oo Watkins waayihiisii ciyaareed soo af-meeray sida uu sheegay.

Marko Grujic ayaa sheegay inuu weeraryahanka Aston Villa ahaa mid aan waxba badan soo samayn kulamadiisii hore ee horyaalka isla markaana uu ka saaray shaxdiisa ciyaarta Fantasy Premier League.

Grujic oo ka jawaabaya sawir uu Watkins soo dhigay Instagram ayaa yidhi “Dhawrkii kulan ee ugu horreeyay ninkani (Watkins) wuxuu ahaa mid aan joogin, waxaan si samir la’aan ah u go’aansaday inaan ka saaro kooxdayda Fantasy Premier League (Ciyaarta mala-awaalka ah ee PL), inta kasoo hadhay waa taariikh”

“Malaha waxa uu sidoo kale soo af-meeray waayaha ciyaareed ee Adrian ee Liverpool” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Grujic.

Haddiiba uu xaqiiqo buuxda yahay hadalka Grujic ayaa la arki doona balse Liverpool ayaa dhawaan dhammaystirtay saxeexa 17 sano jirka goolhayaha ree Brazil ee Marcelo Pitaluga oo 1.8 Milyan Pound ugu soo biiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More