“Mourinho Ayay Baska Ka Tuureen, Haddana Solskjaer Ayay La

Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa waxa uu sheegay in dhawr ciyaartoy oo Red Devils ka tirsan ay ka shaqaynayaan sidii shaqada looga eryi lahaa tababare Ole Gunnar Solskjaer, kuwaas oo qaabka liidata ee ay u ciyaarayaan ka dhigan tahay in macallinkan seeftu qaaddo.

Manchester United ayaa Axaddii waxay la kulantay guul-darradii ugu xumayd ee kasoo gaadha Premier League, waxaana 6-1 ku karbaashtay Tottenham iyadoo qaybta horena ku dhamaatay 4-1, taas oo ahayd bahdilaad halkii ugu dambaysay.

Roy Keane oo kabatanka Manchester United soo ahaa siddeed sannadood oo ahayd muddadii u dhaxaysay 1997kii illaa 2005 ayaa waxa uu rumaysan yahay in Solskjaer uu hadda marayo heerkii Jose Mourinho ee xilligii Old Trafford, isla markaana ay ciyaartoydu kasoo horjeedaan.

Isaga oo u warramayay telefishanka ITV, waxa kale oo uu Keane tilmaamay in ciyaartoyda Man United ay bandhig ixtiraam darro ah la yimaaddeen, ayna u muuqanayso inay doonayaan in la eryo tababare Solksjaer, waxaanu yidhi: “Bandhigga kulankii Spurs wuxuu ahaa ixtiraam darro. Bahdilaad ayuu ku ahaa sumcadda kooxda bandhigga noocaas ahi.”

Roy Keane waxa uu tilmaamay in waxyaabaha ay ciyaartoydu samaynayaan ay sahayan doonnaan shaqada tababaraha, waxaanu yidhi: “Waxa jiray waxyaabo badan oo dhacay, waxaanay ciyaartoydu sababayaan in Ole uu shaqadiisa waayo.”

Waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyey sidii Jose Mourinho lagu caydhiyey iyo halka uu taagan yahay Ole, waxaanu yidhi: “Waxay hore baska uga tuureen Jose Mourinho. Sidii oo kale ayay ku samaynayaan Ole.”

Manchester United ayaa la sheegay in kulankii Tottenham kaddib ay xidhiidh la samaysay Mauricio Pochettino si uu shaqada uga beddelo Ole Gunnar Solskjaer, waxaana warar hoose oo laga helay Old Trafford ay muujinayaan in Ed Woodward uu samirkii ka dhamaaday oo uu doonayo inuu Ole Gunnar Solskjaer shaqada ka tago.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More