Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Antoine Griezmann Oo Shaaciyay Qofkii Kula Taliyay Inuu

Antoine Griezmann ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa fiican iyadoo Barcelona ay 4-0 ku xaaqday kooxda Osasuna maanta. Waxa uu soo bandhigay sababtii ay Barcelona uga soo bixiso in ka badan 100 milyan isagoo dhaliyay gool islamarkaana caawiye ka noqdo goolkii Philippe Coutinho.Haddii si kooban loo yiraahdo, qaab ciyaareedkan wuxuu ahaa midkii ay taageerayaasha Catalans ka sugayeen Griezmann.Griezmann ayaa ciyaarta ku dhameystay isagoo faraxsan oo kaamirada horteeda kula kaftamaya Coutinho. Waa markii ugu horeysay oo uu…

Chelsea & Tottenham Oo Ismari Waayay & Jose Mourinho Oo La

Kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa isku mari waayay kulankii adkaa ee ku dhexmaray Stamford Bridge iyagoo ku heshiiyay barbaro goolal la’aan ah xilli labada kooxood ay ku soo shirtageen qaab ciyaareed uu taxadar weyn ka muuqday.Natiijadaan ayaa farxad u ah Tottenham kuwaasoo ku soo laabtay hogaanka horyaalka Premier League iyadoo 21 dhibcood ku haya balse farqiga goolasha ka sareeya kooxda kaalinta labaad ee Liverpool halka Chelsea ay kaalinta 3aad ku jirto iyadoo leh 19 dhibcood.Labada kooxood oo qaab ciyaareed fiican ku…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Wolves – Arteta Oo Isbedelo

Arsenal ayaa dooneysa inay wadada guusha ku soo laabato ka dib barbarihii ay isbuucii la soo dhaafay la galeen kooxda Leeds United iyagoo caawa la dheelaya kooxda Wolves oo marti ku ah Emirates Stadium.Gunners waxaa ka maqan caawa Nicolas Pepe oo casaan toos ah qaatay kulankii ay barbaraha la galeen Leeds iyadoo ay u bilaabaneyso seddex kulan uu ganaax ku maqnaanayo.Waxaa isagana seegaya kulankaan xiddiga khadka dhexe Thomas Partey ayaa sidoo kale ka maqan Gunners madaama uu qabo dhaawac muruqa bowdada ah.Willian oo qaab…

Cilada Kaliya Ee Solskjaer Uu Leeyahay Xilli El Matador Uu

Xaqiiqda ah in Ole Gunnar Solskjaer uusan garaneyn shax ciyaareedkiisa ugu fiican iskaba daa 11kiisa xiddig ee ugu fiican, labadii sannadood ee uu joogay Man United ayaa wax badan muujineysa.United ayaa ku rafaaday garoonka St Mary’s ilaa iyo uu ka soo galay Cavani oo badbaadiyay islamarkaana guul qiimo leh ku hogaamiyay.Xaqiiqda ah in Cavani uu wacdarro dhigay markii uu hogaaminayay weerarka bartamihii isbuuca waxay aheyd in kulankaan lagu soo bilaabo.Khadka dhexe ee dheemanka ah ee uu Solskjaer ku soo shirtagayo ma ahan…

Edinson Cavani Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ku Hogaamiyay

Manchester United ayaa soo laabasho cajiib ah sameysay ka dib markii ay 3-2 ku karbaashtay Southampton oo labo gool ku hormartay iyadoo Edinson Cavani oo bedel ku soo galay ciyaarta uu guushaan weyn ku hogaamiyay kooxda.Southampton ayaa labo gool oo degdeg ah dhalisay qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Cavani oo bedel ku soo galay bilowgii qeybta labaad ayaa caawiye ka noqday goolka Fernandes, wuxuu madax ku dhaliyay goolka barbaraha ciyaarta oo 15 daqiiqo ka harsan halka uu goolka guusha dhaliyay daqiiqadii 3aad ee shan…

Lionel Messi Iyo Saddex Ciyaartoy Oo Iska Kaashaday Guul Ay

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kusoo laabatay jidka guusha kaddib guul-darradii Atletico Madrid, waxaanay cadho kula dhacday Osasuna oo ay ku garaacday 4-0.Martin Braithwaite oo bilow dhif iyo naadir ah kaga soo muuqday Barcelona xili ciyaareedkan ayaa u furay gool-dhalinta daqiiqaddii 29aad ka hor intii aanu Antoine Griezmann gool labaad saddex daqiiqadood ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin.Qaybtii labaad ayay Barcelona sii wadatay bandhiggeeda cajiibka ah, waxaana gool saddexaad hoggaanka ugu sii dheereeyey…

Immisa Milyan Ayay Mike Tyson Iyo Roy Jones Jr Ka Heleen

Taariikh weyn ayay ahayd, waxaanay dunidu saaka indhaha kusii wada haysay waddanka Maraykanka oo ay ka dhacday ciyaar feedh ahayd oo dib garoomada ugu soo celisay ruug-caddaagii Mike Tyson oo ku dhowaad 15 sannadood ka hor ka fadhiistay feedhka iyo Roy Jones Jr oo ay waqtigaas xafiiltami jireen, haddana ah oday da’diisa oo kale ah.Labadan feedhyahan ayaa marka la isku geeyo ay da’doodu tahay 105, taas oo ka dhigan inay labaduba kor u dhaafeen da’da 50 jirka, balse haddana jidh ahaan ayay aad iskugu diyaariyeen dagaalkan…

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kulanka Chelsea & Tottenham Oo

Loollanka magaalada London ayaa sannadkan ka xoog badan sidii uu ahaa xili ciyaareedyadii ugu dambeeyey, waxaana hirdan badani u dhexeeyaa labada kooxood ee isku xaafadda ah ee Chelsea iyo Tottenham.Garoonka Stamford Bridge ee woqooyiga magaalada London ayaa maanta lagu soo dhoweynayaa Jose Mourinho oo wata Tottenham oo uu guul u raadinayo, laakiin Frank Lampard oo ardaygiisa ahaan jiray ayaa isaguna ah macallinka Chelsea ee sida adag ugu diyaar-garoobay sidii uu macallinkiisa hore u dhex jiid-jiidhi lahaa garoonka.Jose…