Real Madrid Oo Guul Weyn Gaartay, Hazard Oo Soo Laabtay,

Real Madrid ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay 4-1 ku xaaqeen kooxda Huesca oo marti ugu aheyd garoonkooda ku meel gaarka ah Alfredo de Stefano Stadium.

Eden Hazard ayaa soo laabtay isagoo qeyb libaax leh ka qaatay guushii maanta ka dib markii uu shabaqa soo taabtay halka Karim Benzema uu dhaliyay labo gool iyadoo goolka kale uu saxiixay Fade Valverde.

Los Blancos ayaa sii wadata guulaheeda La Liga ka dib guushii El Clasico ee ay Barcelona ka gaareen isbuucii la soo dhaafay iyagoo hogaanka ku haya 16 dhibcood ka dib 7 kulan oo ay ciyaareen, waxayna labo dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Real Sociedad.

Real Madrid ayaa sagaal dhibcood ka sareysa Barcelona oo kaalinta 12aad ku jirta inkastoo Blaugrana ay labo kulan u harsan tahay marka loo eego kulamada ay Los Blancos ciyaartay.

Tababare Zidane ayaa kulankii ugu horeysay ku soo bilaabay Eden Hazard tan iyo markii uu dhaawac ka soo laabtay halka xiddigii eedeynta xun kala kulmay Karim Benzema ee Vinicius Jr. kursiga keydka la dhigay.

Kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid ayaa si fiican ku bilaabatay ciyaarta laakiin Heusca ayay aheyd kooxdii ugu horeysay ee shabaqa soo taabata markii uu Mir kubad fiican ka dulqaaday goolhaye Courtois laakiin goolkiisa waa la diiday madaama uu offside ahaa.

Wixii ka danbeeyay daqiiqadii 21aad Real Madrid ayaa heshay fursado isku xiga iyadoo goolhayaha Huesca uu feer ku bixiyay karoos uu soo dhigay Asensio, halka kabtan Sergio Ramos oo u dabaaldegayay kulankiisii 500aad ee La Liga laga beeniyay fursad halis aheyd ka dib karoos uu ka helay Marcelo.

Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 40aad iyadoo Eden Hazard uu dib isku baray taageerayaasha isagoo boos fiican isku abuuray islamarkaana darbo qurux badan shabaqa dhex dhigay.

Shan daqiiqo ka dib Real Madrid ayaa hogaanka dheereysatay ka dib markii Karim Benzema uu koontaroolay karoos uu soo dhigay Vazquez islamarkaana uu shabaqa ku hubsaday, iyadoo Los Blancos ay la wareegtay koontaroolka ciyaarta.

Los Blancos ayaa gooldhalinteeda sii waday qeybtii labaad ee ciyaarta iyagoo helay goolka seddexaad daqiiqadii 54aad. Benzema iyo Hazard ayaa kubad isku dhiibay ka hor inta uusan Benzema kubada u wareejinin Fade Valverde kaasoo si degan kubad awood leh goolka ku dhex dhigay.

Tababare Zidane ayaa seddex bedel sameeyay daqiiqadii 61aad isagoo bedelay Eden Hazard, Fade Valverde iyo Asensio, wuxuuna soo geliyay Vinicius Jr. Isco iyo Rodrygo. Halka afar daqiiqo ka dib uu Toni Kroos bedelay Casemiro.

Laakiin isbedelada uu sameeyay Zidane waxay durbadiiba keentay in kooxda martida aheyd ee Huesca inay gool soo ceshato daqiiqadii 74aad. Mir ayaa karoos soo dhex dhigay xerada goolka Los Blancos, waxaana shabaqa ku taabtay Ferreiro.

Real Madrid ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ilaashato mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan iyadoo Courtois mar kale shabaqa laga soo taabtay.

Karim Benzema oo xaalad liidata ku jiray kulamadii ugu danbeysay ayaa maanta boorka iska jafay isagoo dhamaadkii ciyaarta dhaliyay goolkii afaraad ee Los Blancos isagoo shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay Rodrygo, waxayna Real Madrid ku badisay 4-1 iyagoo sii xajistay hogaankooda horyaalka La Liga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More