Chelsea Oo Xasuuqday Burnley, Hakim Ziyech & Timo Werner Oo

Chelsea ayaa xasuuqday Burnley oo ay ku garaaceen 3-0 xilli xiddigaha cusub ee ay Blues ay jaanta isla heleen iyadoo Hakim Ziyech uu kulankii labaad oo isku xigta guul ku hogaaminayo Blues.

Ziyech oo goolkiisii ugu horeysay ee Chelsea dhaliyay kulankii Champions League ayaa kulankii maanta isku darsaday gool iyo caawin halka Zouma iyo Timo Werner ay iyaguna shabaqa soo taabteen.

Blues ayaa u muuqata mid ugu danbeyn jaanta isla heshay iyagoo soo bandhigay qaab ciyaareed dhameystiran oo loo riyaaqay.

Tababare Frank Lampard ayaa lagu qasbay inuu isbedel ku sameeyo shaxdiida daqiiqado ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin ka dib markii Christian Pulisic oo shaxda lagu soo daray uu ku dhaawacmay iskululeynta, waxaana fursad helay Timo Werner oo ay aheyd inuu kursiga keydka fadhiyo kulankaan.

Kooxda martida loo ahaa ayaa heshay fursadii ugu horeysay ee ciyaarta daqiiqadii 6aad markii kubad dheer oo la soo qaaday uu fursad u helay Barnes inuu goolhayaha Chelsea Mendy oo ku soo baxay uu ka dulqaado laakiin taabashadiisa ayaa noqotay mid xoogan taasoo keentay inuu kubada dulmariyo goolka.

Daqiiqadii 16aad Chelsea ayaa rigoore dooday laakiin dheg looma dhigin cabashadooda halka Abraham uu ku qasbay goolhaye Pope inuu kubad halis ah badbaadiyo.

Chelsea ayaa ugu danbeyn hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 26aad markii karoos uu soo dhigay James uu madax ku sii baasay Abraham iyadoo kubada uu helay saxiiixa cusub Hakim Ziyech kaasoo shabaqa ku hubsaday.

Ziyech oo kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ku soo bilowday ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee horyaalka xilli uu goolkiisii ugu horeysay ee Chelsea uu dhaliyay bartamihii isbuuca ee Champions League.

Waxaa qeybtii hore lagu nastay iyadoo 1-0 ay ku hogaamineyso Chelsea, tababare Lampard ayaana la dhoolacadeynayay qaab ciyaareedka fiican ee ay soo bandhigtay kooxdiisa Blues.

Chelsea ayaa sii dhereysatay hogaanka daqiiqadii 63aad iyadoo Ziyech uu koorno u keenay kooxdiisa, waxaa kubada koornada soo qaaday Mason Mount iyadoo madax xoogan uu ku dhaliyay Kurt Zouma taasoo keentay in goolhaye Pope uusan dhaqaaqin xitaa.

Waa kulankii 100aad ee Kurt Zouma uu ku soo bilowdo shaxda Chelsea, wuxuuna durbaba dhaliyay goolkiisii seddexaad ee xilli ciyaareedka.

Chelsea ayaa ciyaarta isku maamuleysay iyagoo weerar joogta ah ku hayay kooxda Burnley, waxayna heleen goolkooda seddexaad daqiiqadii 70aad iyadoo shabaqa uu u soo taabtay xiddiga Jarmalka Timo Werner.

Burnely ayaa kubada dhiibtay iyadoo James uu kubad dhex bixis ah u dhigay Hakim Ziyech kaasoo isna quudiyay Werner oo gool qurux badan ka dhaliyay goolhaye Pope.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Chelsea ku xaaqday Burnley, waxayna soo galeen kaalinta 4aad iyagoo leh 12 dhibcood, waxay hal dhibic ka hooseeyaan kooxaha hogaanka haya ee Everton iyo Liverpool, inkastoo ay hal kulan sii hor ciyaareen

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More