“Alle Nolosha Haku Duleeyo, Nabiga Waxaanu Jecel Nahay In Ka

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov oo lagu yaqaano inuu si weyn u difaaco diinteeda suuban ee Islaamka kuna caan ah inuu yahay shaqsi aad ugu ad-adag arrimaha sharciyan Alle inoo jideeyay ayaa jawaab la sugayay siiyay madaxweynaha France.

Emmanuel Macron oo ah ninka ugu sarreeya France ayaa dhawaan diinta Islaamka ku sifeeyay mid qalalaase ku ah dunida oo dhan, hadalkiisa ayaa dhaliyay in si weyn guud ahaan muslimka caalamku uga fal-celiyaan.

Hadalka Macron ayaa yimid kaddib markii France lagu dilay macalin Samuel Paty oo dugsi uu taariikhda ka dhigayay kusoo bandhigay sawirro af-xumo ku ah Nabi Muxammad NNKH.

Dilka ayaan kaliya halkaas ku dhammaan balse sidoo kale saddex qof ayaa dhawaan toorey lagu dilay magaalada Nice.

Haatan, Khabib oo dhawaan ku dhawaaqay inuu ciyaaraha UFC iskaga fadhiistay kaddib markii uu garaacay Justin Gaethje ayaa Alle uga baryay inuu duleeyo wajiga Macron iyo kuwa xulafada la ahba.

Sidoo kale Khabib Nurmagomedov oo soo bandhigaya jacaylka Nabi Muxammad ayaa sheegay in sida diiniyan ay tahay uu nabiga ka jecel yahay hooyadii, aabihii, carruurtiisa iyo xaaskiisaba.

Khabib Nurmagomedov ayaa bartiisa Instagram ku yidhi “Alle ha xumeeyo wajiga uskagan (Macron) iyo kuwa dhammaan taageersan iyadoo ku hoos dhuumanaya hal ku dhiga xorriyada hadalka waxa ay cadho galiyeen dareenka in ka badan 1.5 Billion Muslimiin ah”

“Allaha awooda lihi noloshan haku bahdilo iyo nolosha xigtaba (Aakhiro), Alle waa ku dhakhso badan yahay xisaabinta idinkuna waad arki doontaan”

“Muslim ayaanu nahay, waanu jecelnahay nabigayaga Muxamad (Naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaatee) in ka badan hooyooyinkay, aabayaashayo, carruurtayada, xaasaskayaga iyo dhammaan dadka kale ee quluubtayada ku dhaw”

“I rumaysa, kacdoonadani iyaga (Gaalada) way kusoo laaban doonaan, ugu dambayntu markasta waa cabsida Alle”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More