Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 26°C
Breaking: Mudulood Clan Elders Apologize for Killing SNA Soldier in Middle Shabelle
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Hakim Ziyech Oo Ka Hadlay Wacdarihii Uu Dhigay, Goolashiisa

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Hakim Ziyech ayaa dareemaya in Chelsea ay tahay ‘gurigiisii oo kale’, kaddib markii uu goolkiisii ugu horreeyey ee Premier League ah u dhaliyey kulankii ay 3-0 ku garaaceen Burnley.

Ziyech ayaa ciyaartii ugu horreysay ee Premier League ah ugu soo bilowday Chelsea, waxaana uu shabaqa soo taabtay qaybtii hore, iyadoo uu ku daray caawin uu dhamaadkiina sameeyey oo uu kubadda goolka u hor-dhigay Timo Werner.

Xiddiga reer Morocco ayaa ciyaarta kaddib waxa uu ka hadlay dareenkiisa, waxaanu yidhi: “Toddobaad wanaagsan ayay ii ahayd, waxaanan rajaynayaa inay sii socon doonto. Waxa aan dareemayaa wanaag iyo in Chelsea ay tahay hoygaygii, wax kastaana way fiican yihiin.

“Kulamada Champions League kaddib way adag tahay, balse waxaanu muujinay ciyaar fiican, si fiican ku bilaabatay oo aanaan wax dhibaato ah la kulmin.”

Hakim Ziyech waxa uu intaa ku daray in kooxda ay la ciyaarayeen ay heshay fursado, balse ay Blues ciyaarta maamulaysay, waxaanu yidhi: “Burnley waxay haysatay fursad bilowgii balse kaddib annaga ayaa ciyaarta maamulaynay.”

Chelsea ayuu u sheegay waxay u baahan tahay, si ay usii wadi karaan guusha, waxaanu yidhi: “Waxaad u baahan tahay inaad ku ciyaarto kalsooni oo aanad ka baqanin go’aamada aad samaynayso. Haddii kale, ma noqon doonto sidii la filayay.

“Usbuuc kasta waxaanu qaadnaa tallaabooyin. Aynu sidaa kusii wadno.”

Intii aanay ciyaartu bilaabmin ee lagu jiray waqtiga iskululaynta, waxa Chelsea ka dhaawacmay Christian Pulisic oo ay ahayd inuu kulanka kusoo bilowdo, waxaana ka hadlay Ziyech oo yidhi: “Waynu ognahay sida adag ee halkan lagu yimaaddo iyo natiijada la helo.

“Waa inaanu ku guuleysano dagaalka, dagaalka ciyaarta, kaddibna ciyaartoyda aanu haysano ay si dhab ah uga faa’iidaysaan kubadda oo ay isku dayaan inay difaaca jabiyaan.”

How do you rate this story?

0 votes