Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Sirtii Suuqa Manchester United Oo La Xaday & Ed Woodward Iyo

Sirtii suuqa Manchester United ayaa halis ugu jirta in dhamaanteed ay bannaanka timaaddo kaddib markii ay budhcaddii u dhacday Kombiyuutarrada kooxdu ay ka qaateen xog muhiim ah.Manchester United ayaan wali awood buuxda u yeelanin inay maamulato Kombiyuutaradeeda oo ay haysato koox budhcad ah oo jabsatay, isla markaana dalbatay malaayiin madax-fursado.Toddobaadkii hore ayay United sheegtay in weerar aad u adag lagu soo qaaday, isla markaana ay budhcadda Internet-ku kala wareegtay maamulka Koombiyuutarada, taasina keentay in…

Wajigii Qarsoonaa Ee Diego Maradona, Dalalkii Muslimka Ahaa

Toddobaadkan caalamka Kubadda cagta waxa ka baxay mid ka mid ah halyeeyadii ugu caansanaa taariikhda ma guurtada ahna ku lahaa laydiga cagaaran. Waa Diego Armando Maradona. Wiilkii reer Argentine ee xirfadda kubadda cagta figta sare ka gaadhay illaa loo aqoonsaday kan ugu fiicnaa qarnigii 19aad. Uma socono in aan xirfaddiisii iyo taariikhdiisii kubadda cagta halkan idiinka mariyo balse waxaan qalinka u qaatay doc kale iyo wajiga qarsoonaa ee Maradona gaar ahaan dhnaca siyaasadda, waxa uu aaminsanaa iyo mawaaqif badan oo uu…

Hadalladii Uu Marcelo Ku Qaylinayay Markii Timaha La Jiiday

Real Madrid ayaa guul-darro xanuun badan loogu xambaariyey garoonkeeda Alfredo Di Stefano, waxaanay u ahayd habeenkii saddexaad ee xidhiidh ah ee kulan ka tirsan LaLiga ay awoodi kari waayaan iyo guuleystaan.Marcelo ayaa kulankan ka ahaa kabtan maadaama uu dhaawac ku maqnaa Sergio Ramos, laakiin waxay u ahayd habeen aan wanaagsanayn oo qaab ciyaareedkiisa liita darteed loo beddelay xilli kooxdiisa lagu hoggaaminayo 2-0.Zinedine Zidane ayaa kaydka dhigay Ferland Mendy oo kulamadii ugu dambeeyey si joogto ah u ciyaarayay,…

Xiddigaha Chelsea Ee Kulanka Tottenham Oo La Shaaciyey – Yaa

Chelsea waxay goolal ku qaban doontaa hoggaanka horyaalka Premier League, iyadoo dhinaca dhibcaha kala sinnaan doonta Liverpool, laakiin waa inay meel iska saarto Toottenham oo ay ka badiso.Blues ayaa hore guul-darro ugala soo kulantay Tottenham xili ciyaareedkan, waxaana bishii September lagu garaacay rikoodheyaal lagaga reebay tartanka Carabo Cup, laakiin waxay intioi ka dambaysay ahayd koox guushu agteeda taallo oo iska illowday guul-darrooyinkii hore.Guushii 2-1 ahayd ee Salaasadii ay ka gaadheen Rennes ayaa u ahayd…

SADDEX Kulan Oo Xidhiidh Ah, SHAN Rikoodhe Iyo Dhibic Kaliya

Zinedine Zidane ayaa sharrixi kari waayey guul-darrooyinka isdaba-joogga ah ee kooxdiisa Real Madrid ay kasoo hoynayso horyaalka LaLiga xili ciyaareedkan.Real Madrid ayaa kulankii saddexaad oo xidhiidh ah waxay awoodi kari weyday inay guul ka keento horyaalka LaLiga, waxaana saddexdaba lagu qabtay rikoodheyaal, iyadoo hal dhibic kaliya ka keentay. Lucas Perez iyo Joselu ayaa laba gool ka dhaliyey Real Madrid kulankii Alaves ay ku garaacday 2-1 xalay, halka gool uu dhaliyey Casemiro uu waxba ka beddeli waayey…

Chelsea vs Tottenham – Taariikhda Blues Samayn Karo,

Chelsea ayaa garoonkeeda kusoo dhoweynaysa naadiga ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Tottenham oo uu ka dhaxeeyo xafiiltan weyn oo muddooyin badan soo jiray, kaas oo uu cirka kusii shareeray in tababare Jose Mourinho uu yahay macallinka Spurs, isla markaana xamaasaddiisii iyo shaxshaxdii lagu yaqaanay uu kusoo bandhigayo garoomada.Ciyaartan oo muhiimad weyn u leh labada kooxoodba, ayaa midkooda badisaa ay la wareegi doontaa horyaalka Premier League, balse Tottenham ayaa xataa barbarro ay gasho ay siin doontaa inay…

Xiddigaha Koox Ingariis Ah Oo Ka Carooday In Gabadhaan Loo

Ciyaaryahanadda kooxda Bournemouth ayay amakaak ku noqotay islamarkaana ka carooday sawiro ay Instagram soo dhigtay xaaska madaxa guud ee maamulka kooxda.Xiddiga Bournemouth ayaa ka carooday markii ay arkeen Alesya Blake oo ah xaaska madaxa guud ee kooxda Neil oo bogeeda Instagram soo dhigtay gaari cusub oo uu hadiyad ahaan u siiyay ninkeeda.Sababta ay ciyaartoyda kooxda Bournemouth uga caroodeen arintaan ayaa ah xilli uu ninka madaxda ka ah kooxda ku qasbay ciyaartoyda inay mushaharkooda dhimaan sababo la xiriira Korona…

Deportivo Alaves Oo Guul Weyn Ka Soo Gaartay Real Madrid

Real Madrid ayaa soo bandhigaty ciyaar ay ka maqneyd xasiloonida diiraddana ma aysan saareyn oo ciyaartooyda kooxdaas waxa ay ka sheeganayeen in si qaldan ay u qaadanayeen go`aanada , waxaana looga badiyay 2/1Deportivo Alaves waxa ay soo bandhigeen ciyaar kalsooni  leh mar waliba waa ay ku dhiranayeen in ay tagaan afka hore Real , waxa ayna Real sidoo kale ku dhibaatoodeen in si sax ah u tagaan inkastoo daafaca iyo goolahayaha Deportivo Alaves is hor taageen isku dayadii Real.Deportivo Alaves waxa ay ka sheegteen qasaarinta…