Man City Oo Saxiixa Xiddig Aad Loo Qiimeeyo Ka Dulqaaday
Manchester City ayaa ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee deriskooda ee Manchester United saxiixa xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Filip Stevanovic.
Kooxda Partizan ayaa Twitter ku xaqiijisay in kooxda Pep Guardiola ay ku guuleysatay saxiixa xiddigaan 18 jirka ah ee ay sida weyn ugu dagaalamayeen labada kooxood ee Manchester ka dhisan.
Labada kooxood ee Manchester ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddiga garabka ka ciyaara muddo bilooyin ah laakiin kooxda Guardiola ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay saxiixiisa.
Stevanovic ayaa si rasmi ah ugu soo wareegi doona Etihad Stadium bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Wararka ayaa sheegaya in xiddigaan amaah dib loogu sii doono kooxdiisa haatan ee Partizan inta ka harsan xillio ciyaareedkan.
FK Partizan ima zadovoljstvo da objavi transfer Filipa Stevanovića u @ManCity, u zimskom prelaznom roku 2021. godine. Transfer Filipa Stevanovića u jedan od najvećih evropskih klubova predstavlja značajnu potvrdu dobrog i napornog rada svih struktura kluba. ⚫⚪?⚪
— FK Partizan (@FKPartizanBG) October 31, 2020
Xiddigaan oo u dhashay dalka Serbia ayaa soo jiitay indhaha dad badan ka dib wacdarro uu u dhigay kooxdiisa isagoo dhaliyay 12 gool 54 kulan uu saftay.
Stevanovic ayaa sidoo kale u ciyaaray xulalka da’ yarta ee wadankiisa isagoo ah xiddig si weyn loo qiimeeyo lana saadaalinayo inuu noqon doono xiddig weyn mustaqbalka.
Wuxuu kooxdiisa u saftay markii ugu horeysay isagoo 16 sanno jir ah sannadkii 2018, wuxuuna ka mid ahaa kooxda koowaad tan iyo markaas isagoo muhiim u noqday.
Da’ yarkaan ayaa inta badan ka ciyaara garabka bidix laakiin waxa uu sidoo kale ka ciyaari karaa garabka midig ama gooldhaliyaha gadaashiisa.