Kooxdii Weyneyd Ee Barcelona Oo Gabi Ahaanba KACAYSA,

Waxa maalinba maalinta xigta soo kordhaya dhibaatooyinka ay kooxda Barcelona dhexda ka galayso ee banaanka garoonka ah iyadoo haatan la sheegayo inay gabi ahaanba kici karto kooxda oo ay dhaqaale ahaan dhulka geli karto.

Sida uu sheegayo il-wareedka ree Spain ee RAC1, Barcelona ayaa gabi ahaanba kici doonta haddii aysan 190 Milyan oo euro oo kamida mushaharka xiddigaheeda dhimin kahor dhammaadka toddobaadkan.

RAC1 ayaa sheegaya inay haddaba bilaabmeen wadahadalada ay kooxdu ku doonayso inay hoos ugu dhigto mushaharka xiddigaheeda shalay oo Jimce ahaydna ay kulmeen wakiilada kooxda metelayay iyo kuwa ciyaartoyda ka socday.

Barcelona ayaa gelaysa tartan ay wakhtiga la tartamayso waxaana ay u baahantahay inay kahor Khamiista soo socota oo 5-ta bishan November ah min 30% dhinto mushaharka ciyaaryahan kasta oo kooxdeeda ah.

Barcelona ayay shuruuda ku xidhan inay sii jirto tahay inay kahor khamiista heshiis buuxa dhinaca mushahar dhimista xiddigaha kooxdeeda kala gaadho haddii kale ay jirto fursad ay bisha January ugu dhawaaqi karto in gabi ahaanba kooxdeedu kacday oo ay faro madhan taagantahay.

Waxa wer-werka ugu weyn ku haya Barcelona ayaa ah kabtankeeda Lionel Messi kaas oo haddii uusan go’aansan inuu kordhiyo heshiiskiisa dhammaadka xilli ciyaareedkan ku eeg ay ku qasbanaan doonaan inay lacag guno ah ku siiyaan inuu heshiiskiisa dhammaystay taas oo qudheedu ah lacag kale oo ka baxaysa.

Madaxweynaha guddida maamulka Barcelona ee Carles Tusquets oo la wareegay maamulka kooxdaas kaddib markii uu is casilay Josep Maria Bartomeu ayaa dhawaan sharaxay sida ay dhaqaale ahaan meel adag u marayso kooxdu wakhtigan.

Barcelona ayay dhibaatada ugu badani ka gaadhay saamayntii dhaqaale ee xanuunka Korona Fayras, waxay u eegtahay inay dhaqaale xumadan ugu yaraan ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan kusii jirayaan. Waxa kale oo xusid mudan in bakhaarada kooxdu ay ganacsi ahaan daadegeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More