Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Tuchel Oo Soo Saaray Liiska 23ka Xiddig Ee PSG Ee Kulanka

Paris Saint-Germain ayaa shaacisay liiska 23ka ciyaartoy ee kulanka muhiimka u ah ee habeenka Arbacada ay ku waajahayaan Manchester United.Kooxda reer France ayaa maanta usoo duulaysa UK, waxaanay habeen dambe ciyaar xiiso leh foodda isku dari doonaan Manchester United oo garoonka Old Trafford oo cidlo ah ay ugu dagaallami doonaan midkooda ku fadhiisanaysa kaalinta koowaad ee Hormada H ee tartanka Champions League.Red Devils ayaa ciyaartii hore ee labadan kooxood ee bishii October kusoo garaacday PSG, waxaanu tababare Ole…

Xiddigaha Barcelona Ee Seegaya Kulanka Champions League Ee

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka maqnaan doona ciyaartii labaad oo xidhiidh ah ee ka tirsan tartanka Champions League, waxaana aan garoomada lagu arki doonin marka ay kooxdiisu u duusho waddanka Hungry ee ay kula soo ciyaarayso Ferencvaros.Lionel Messi ayaan ka qayb-gelin tababarkii subaxnimadii saaka oo Salaasa ah oo ay Barcelona iskugu diyaarinaysay kulanka shanaad ee tartanka Champions League, halkaas oo tababare Ronald Koeman uu xiddigihiisa ku siiyey xeeladaha ay doonayaan inay kula ciyaaraan Ferencvaros ka…

Iska Illow Gundogan, Aguero, De Bruyne, Jesus & Sterling –

Goolhayaha Manchester City ee Ederson ayaa hadal lama filaan ahi kasoo yeedhay, waxaanu sheegay inuu jiro ciyaartoy ku wanaagsan rikoodheyaasha balse aan haddana qaadanin.Manchester City oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan horyaalka Premier League, ayaa ku urursan Gabriel Jesus, Raheem Sterling, Sergio Aguero, Ilkay Gundogan iyo Kevin de Bruyne, laakiin rikoodheyaasha oo uu inta badan qaato De Bruyne oo ahaa laacibka rikoodheyaasha inta ugu badan laagta ayaa xili ciyaareedkan khasaariyey rikoodhe.Ciyaartii bishii hore ay…

MSF Mise MSJ? – Saddexda Weerar Ee Ay Ugu Wanaagsan Tahay

Liverpool ayaasaddexlaydii weerarka ee ay hore u haysatay ee Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo magacooda loosoo gaabiyo MSF, waxay xagaagii kusoo kordhisay xiddiga kale ee weerarka ee Diogo Jota oo bandhig cajiib ah ka sameeyey kulamo uu kaydka ku jiray kaddib.Laacibka reer Portugal ayaa afar gool ka dhaliyey laba ciyaarood oo Champions League ah oo uu kusoo bilowday, sidoo kalena wuxuu ahaa ciyaartoyga qiimaynta goolasha ugu sarreeyey kooxda marka loo eego daqiidaha kooban ee uu ciyaaray.Sidaas oo ay tahay,…

“Shakhtar Way Garaaci Doontaa Real Madrid, Dhibaatadii Inter

Luis Castro waxa soo maray mid ka mid ah maalmihiisii ugu farxadda badnaa ee tababarenimo, waxaanu awood u yeeshay inuu Real Madrid 3-2 kusoo garaaco isagoo ugu tegay caasimadda Spain, taas oo xilligaas aanu xataa niyadda sii gashanin.Laakiin waxa ugu xigtay barbarro ay Inter Milan la galeen iyo laba guul-darro oo waaweynaa oo kasoo gaadhay Borussia Monchengladbach oo ku garaacday isu-geynta 10-0. Kulanka hore wuxuu kusoo dhamaaday 4-0, ciyaarta labaadna 6-0.Inkasta oo ay yihiin dhibbaneyaasha oo ay kaalinta saddexaad ee…

Xiddigaha Ugu Wanaagsan LAAGA XORTA Ah Ee Premier League Oo

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Southampton ee James Ward-Prowse ayaa toddobaadkan wacdaro ka dhigay hroyaalka Premier League kulankii ay 3-2 ku kala baxeen Manchester United oo uu dhaliyey laag xor ah oo cajiib ahaa.Xiddigan ayaa dhaliyey saddex gool oo laag xor ah xili ciyaareedkan, waxaana laba ka mid ahaa uu kusoo hubsaday shabaqa kooxda Aston Villa, iyadoo ay haddaba goolhayeyaashu daraasayn ku samaynayaan qaabkiisa laagista kubaddaha laaga xorta ah.James Ward-Prowse waxa uu hadda yahay ciyaartoyga ugu fiican kubaddaha…

Luis Suarez Oo Mar Kale Laga Helay Korona Fayras Xilli

Luis Suarez ayaa seegaya kulanka adag ee Kooxdiisa Atletico Madrid ay kula ballansan tahay naadiga koobka difaacanaya ee Bayern Munich, kaddib markii baadhitaan kale oo lagu sameeyey lagaga helay xanuunka Covid-19 oo ku dhacay waqti uu xulka qarankiisa kula sugnaa kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka.Tababare Diego Simeone ayaa aad ugu baahnaa inuu helo Suarez ciyaartan si ay sare ugu soo qaadi karaan rajada ay ugu gudbi karayaan wareegga 16-ka oo ay usoo labayn karaan Munich, balse waxay u baahan yihiin guul ay ka…

Liverpool vs Ajax – SIDDEED Xiddig Oo Dhaawac Ka Ah

Laba dhibcood oo kaliya ayaa u dhexeeya labada kooxood ee ugu sarreeya Group-ka D ee tartanka Champions League, laakiin caawa ayay midkood si toos ah iskaga xaadirin doontaa marka garoonka Anfield ku kulmaan Liverpool iyo Ajax.Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu u gudbi karaysay wareegga 16ka haddii ay guuleysan lahayd ciyaartii Atalanta ay sida xun u dhax jiid-jiiday Anfield, laakiin guul-darradaasi waxay fursad siisay Ajax oo laba dhibcood oo kaliya usoo jirsatay, isla markaana kula dagaallamaysa inay iyaduna markeeda…

Isku Aadka Wareega 3aad Ee Koobka FA Cup Oo La Soo Saaray &

Waxaa goor dhaweyd la soo saaray isku aadka wareega seddexaad ee koobka FA Cup iyadoo kulamo xiiso leh ay ka soo baxeen. Wareega seddexaad ee FA Cup waxaa la ciyaari doonaa isbuuc dhamaadka 9ka iyo 10ka bisha Janaayo 2021 iyadoo 32da kooxood ee ka soo gudba wareegaan ay mid walba heli doonto abaalmarin lacageed oo gaaresya 82 kun ginni. Arsenal ayaa ah kooxda difaacaneysa koobka iyagoo ah kooxda ugu guulaha badan koobkaan oo ay qaadeen rikoodh 14 jeer ah. Gunners waxay wareega seddexaad ee FA Cup garoonkeeda ku soo…

Xiddigaha Muhiimka Ah Ee Paris Saint-Germain Ka Maqnaanaya

Paris Saint-Germain waxaa ka maqnaan doona Pablo Sarabia iyo Mauro Icardi kulanka Champions League ee ay habeenka Arbacada la ciyaarayaan kooxda Manchester United.PSG ayaa xaqiijisay inuu ka maqnaan doona kubadsameeyaha khadka dhexe ee reer Spain Pablo Sarabia iyo weeraryahanka reer Argentina Mauro Icardi kulanka muhiimka ah ee wareega group-yada Champions League ee ay habeenka Arbacada booqanayaan Man United.Icardi ayaa xanuun ka dareemaya lugta midig halka Sarabia la sheegay inuu la ildaran yahay dhaawac muruqa ah.Julian…