Diogo Jota Iyo 17 Laacib Oo Usoo Ciyaaray Atletico Madrid Oo

Atletico Madrid waxay ka mid ahayd kooxaha ugu xooggan qaaradda Yurub ku dhowaad tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaanay tahay kooxda saddexaad ee soo raacda Real Madrid iyo Barcelona marka laga hadlayo naadiyada Spain.

Intii uu joogay Diego Simeone oo ahayd sagaal sannadood ayay Los Rojiblancos noqotay kooxda heerka sare ah ee awoodda u yeelatay inay ku guuleysato horyaalka LaLiga, sidoo kalena ay noqoto mid ay kooxuhu kasii baqdaan marka ay isku beegmaan tartanka Champions League.

Hal horyaal oo LaLiga ah, hal Copa del Rey, hal Supercopa de Estana, laba Europa League, Laba UEFA Super Cup iyo Champions League oo ay finalka yimaaddeen si dirqi ahna lagaga qaaday ayaa ah guulaha sannadihii ugu dambeeyey ay gaadhay Atletico Madrid.

Ciyaartooyo badan oo qaarkood ay kasoo baxeen kulliyada ayaa sannadahan ahaa kuwa keenay in induhuhu ay kooxdan hayaan, isla amrkaana ay guulahan gaadhaan.

Xiddigaha waaweyn ee magacyadoodu ku suntan yihiin Atletico ee qaarkood ay ka tageen intii aanu tababaraha noqonin Diego Simeone waxa ka mid ahaa Fernandeo Torres, Sergio Aguero iyo Diego Forland oo xilliyadii ay Vicent Calderon ka ciyaarayeen wacdaro ka dhigayay LaLiga.

Waxa kale oo jira ciyaartooyo la illoobay oo laga yaabo in aanay xusuustaada ku jirin waqtigan, isla markaana aad ku baratay kooxo kale.

Ciyaartoydan waxa ka mid ah xiddiga badbaadiyey Liverpool ee guusha siiyey kulankii West Ham United ee toddobaadkan ee Diogo Jota oo inta uu beddel kusoo galay goolka guushana kaga farxiyey Jurgen Klopp.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 17 ciyaartoy oo qaarkood wali garoomada ku jiraan, kuwo kalena ka fadhiisteen oo laga yaabo in aanad xasuusnayn inay Atletico Madrid usoo ciyaareen.

1. Christian Vieri

2. Martin Demichelis

3. Jackson Martinez

4. Fabricio Coloccini

5. David Villa

6. Diogo Jota

7. Jimmy Floyd Hasselbaink

8. Johnny Heitinga

9. Mario Mandzukic

10. Martin Petrov

11. Toby Alderweireld

12. Mateja Kežman

13. Thiago Motta

14. Nikola Kalinić

15. Ever Banega

16. Jesper Grønkjær

17. Raul Jimenez

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More