Xiddiga Uu Frank Lampard Doonayo Inuu Kooxdiisa Kusoo
Chelsea wali ma joojin rajadii ay ka qabeen inay lasoo saxeexdaan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham iyo xulka qaranka England ee Declan Rice, waxaana uu tababare Frank Lampard isku dayi doonaa inuu keeno Stamford Bridge marka uu furmo suuqa jiilaalka ee bsiha January.
Sida ay sheegayaan warbaahinta waddanka Ingiriisku, Rice ayaa wali ku jira shaashadda Arsenal, waxaanay si dhow ula socdaan wacdaraha uu ka dhigayo horyaalka Premier League iyadoo uu qalbiga khadka dhexe u yahay kooxdiisa.
Blues ayaa u aragta Declan Rice inuu yahay xiddigooda mustaqbalka, waxaanay xagaagii tegay dul-dhigeen lacag dhan £60 milyan oo Gini oo laga soo diiday, balse mar kale ayay isku dayi doonaan inay lasoo saxeexdaan.
Laakiin sida uu qoray wargeyska The Athletic ee sida xeesha dheer wax uga qora ciyaaraha, Chelsea waxay mar kale iska indho tiri doontaa go’aankii West Ham ee ahaa inay sii haysanayso ciyaartoygan, isla markaana uu muddo dheer sii joogo London Stadium.
Warku wuxuu sheegay in Chelsea ay ka wareegi doonto dhinaca ciyaartoyga oo ay ku qalqaalin doonto inuu kooxdiisa ku riixo inay ogolaadaan inay Chelsea ka iibiyaan bisha January, laakiin warku ma sheegin in kooxda reer England ay kordhin doonto lacagtii £60 milyan ahayd ee ay hore usoo diiday West Ham.
Chelsea ayaa xagaagii dhowaa waxay suuqa gelisay lacag dhan £253 milyan oo Gini oo ay kusoo iibsatay ciyaartoyda kala ah Kai Havertz, Timo Werner, Hakim Ziyech, Ben Chilwell iyo Edouard Mendy, balse waxa kale oo ay heshiisyo xor ah kuqoo qaateen Thiago Silva iyo Malang Sarr.
Rice oo ay helaan ayay u arkaan inuu dhamaystirayo qorshahoodii suuqa iyadoo uu laacibkani si fiican uga ciyaari karayo boosas dhawr ah oo khadka dhexe ah iyo sidoo kale difaaca dhexe haddii looga baahdo.