“Waad Taqaanaa Halka Albaabku Ku Yaalo” Akhriso Hadaladii

Waxa hadda soo baxaya warar xoogan oo la xidhiidha hadalo bilooyin kahor dhex maray kabtanka ahna hoggaanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo macalinkii laga caydhiyay shaqada kooxdaas ee Quique Setien.

Setien ayaa laga caydhiyay shaqada Barcelona kaddib xilli ciyaareed musiibo ah oo ay kooxdaasi soo qaadatay iyadoo horyaalka La Liga u weyday Real Madrid isla markaana Champions League qaab fool xun ugaga hadhay gacmaha Bayern Munich.

Lionel iyo qaar kamidda xiddigaha Barcelona ayaan gabi ahaanba ku qanacsanayn in Setien kooxda hoggaaminayo iyagoo saluug sanaa taatikadiisa.

Barcelona ayaa bar-bardhac 2-2 ah lasoo gadhay Celta Vigo bishii June taas oo dhalisay in Real Madrid ay hoggaanka La Liga kala sii fogaato sidaasna ay ugu guuleysato horyaalkeedii ugu horreeyay saddex sano gudaheed.

Messi ayaa aaminsanaa in Barcelona ay kaliya xaalad dib u dhac ah ku jirto inta uu hoggaaminayo Setien, wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Leo uu su’aal ka keenay taatikada 61 sano jirkaas.

Warbixinta Mundo Deportivo ayaa sheegaysa in Messi uu qolka labiska kula murmay Setien kulankaas ay bar-bardhaca lasoo galeen Celta Vigo isaga oo u sheegay inuu dhagaysto talada xiddigaha khibrada leh ee kooxda jooga kuna soo guuleystay koobab isagu (Setien) uusan hanan.

Setien ayaa wakhtigaas ugu jawaabay Messi erayo culus oo ahaa “Haddii aanad jeclaysanayn waxa aan yidhi, waad garanaysaa halka uu albaabku yahay”

Messi ayaa isku dayay inuu xagaagii dhawaa ka tago Barcelona isagoo ku doodayay in qoddob heshiiskiisa ku jiraa uu u ogolaanayo inuu bilaash ku baxo.

Madaxweynihii wakhtigaas ee Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa diiday qorshaha Messi isaga oo sheegay in kooxda saxeexiisa doonaysaa ay tahay inay 700 Milyan oo euro ka bixiso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More