“Final Ayay Noo Tahay Ciyaarta Inter Milan” – Zinedine
Zinedine Zidane ayaa sheegay in kulanka Champions League ee Salaasada habeen dambe ay ku martigelin doonaan Inter Milan uu uga dhigan yahay sidii Final oo kale, isla markaana ay nafta u huri doonaan sidii ay guul uga keeni lahaayeen.
Guul-darradii Shakhtar Donetsk ee kulankii furitaanka iyo barbarrihii ay waqtiga dambe u dagaallameen ee Borussia Monchenglandbach ayay Real Madrid soo ciyaartay, waxaanay haystaa hal dhibic oo kaliya iyadoo ah kooxda ugu hoosaysa Groupkan.
Zidane oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay magaalada Madrid ayaa sheegay inay ciyaartani u tahay Final, waxaanu yidhi: “Waan ognahay kooxda aanu la ciyaarinayno, waanay adag tahay. Waa koox wanaagsan oo awood jidheed isticmaasha. Sidoo kale waxay ciyaaraan kubbad wanaagsan. Ciyaar kale oo adag ayay noo tahay. Waa final.”
Zinedine Zidane oo la weydiiyey haddii uu saddexda ciyaartoy ee Eden Hazard, Karim Benzema iyo Marco Asensio oo loosoo gaabiyo HBA ay noqon karayaan sidii Bale, Benzema iyo Ronaldo, ayaa ku jawaabay: “Ciyaaryahanadda halkan joogaa waxay mar walba doonayaan inay taariikh sameeyaan. Saddexdaas (Hazard, Benzema iyo Asensio) ee aad sheegtay waa muhiim, waxaanay hubaan inay wax muhiim ah samayn doonaan. Waxa aan ogahay inay jiraan hadallo ah in waxyaabo iska beddelayaan kooxda, laakiin waxa aan ka arkayaa gudaha kooxda oo qof walba uu doonayo inuu guuleysto, taas ayaa tababaraha muhiim u ah.”
Luka Modric oo kulamadii ugu dambeeyey kaydka kusoo bilaabanayay, qaybta labaadna beddel ahaan kusoo geli jiray ayaa isaguna yidhi: “Waxba iskama beddelin Luka, waananu garanaynaa wuxa uu nooga dhigan yahay. Kulamo badan ayaa jira, waxaananu isku halaynaynaa dhamaan ciyaartoydayada. Luka wax fiican ayuu sameeyaa mar kasta oo uu ciyaarayo. Tababare ahaan waa waxa ugu adag,gaar ahaan ciyaartoyda sida Luka. Xulashada iyo ciyaarista, mararka qaarkood in aanu ciyaarayn… Laakiin Modric aad ayuu muhiim noogu yahay.”
Barcelona oo bahdilaad loogu soo geystay Champions League xili ciyaareedkii hore iyo Real Madrid oo halis ugu jirta inay Groups-ka ku hadho ayaa la weydiiyey Zidane inay caddayn u tahay in kooxihii Spain hoos u dhaceen, waxaanu ku jawaabay: “Kubadda cagtu waxay noqonaysaa mid aad iyo aad isku mid u ah. Ma jiraan kooxo yaryar. Kubaddu waxay noqonaysaa mid adag oo qurux badan. Maanta, koox kasta ayaa guuleysan karta, waana sababtaas midda aanu u faraxno mar kasta oo aanu guuleysano.”
Hal arrin oo aan inta badan ka bixin hadal-haynta warbaahinta ayaa ah mustaqbalka tababarahan reer France, waxaana mar wax laga weydiiyey uu sheegay in aanay wali maskaxdiisa soo gelin arrin uu kaga fikirayo mustaqbalkiisa, waxaanu yidhi: “Anigu taa kama fikiro, kaliya waxa uu yoolkaygu yahay ciyaarta berri ee Inter.”