Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Miyuu Zinedine Zidane Is Casilayaa? Tababaraha Real Madrid

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada uu isku casili karo ka dib guuldaradii lama filaanka aheyd ee ka soo gaartay Shakhtar Donetsk caawa.Goolal ay qeybtii labaad ee ciyaarta kala dhaliyeen Denyinho iyo Mano Solomon ayaa u xaqiijiyay kooxda reer Ukraine guusha kuwaasoo soo bandhigay qaab ciyaareed difaacasho adag ah islamarkaana kubadaha rogaal celiska ku dilay Los Blancos.Natiijadaan ayaa qeyb ka ah natiijooyin xun xun oo soo wajahay Real Madrid xilli ciyaareedkan iyadoo laga badiyay…

Real Madrid Oo Lagu Soo Jiidjiiday Ukraine, Shakhtar Oo

Qaladaad ay sameeyeen daafacyada Real Madrid ayaa u horseeday kooxda Los Blancos inay guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay Shakhtar Donetsk kulankii shanaad ee Group B iyagoo marti ku ahaa caasimada Ukraine.Los Blancos ayaa haatan halis ugu jirta inay ku harto wareega group-yada ka dib markii ay guuldaradii labaad ka soo gaartay kooxda Shakhtar oo sidoo kale 3-2 ku soo badisay kulankii Madrid.Qalad weyn uu sameeyay daafaca dhexe ee Real Madrid Raphael Varane ayaa u ogolaaday weeraryahanka Shakhtar Donetsk Dentinho inuu hogaanka u…

Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Mudada Uu Goolhaye Alisson

Liverpoo ayaa ku soo bilowday goolhayaha da’da yar ee reer Ireland Coaimhin Kelleher kulanka ay caawa la ciyaarayaan Ajax ee Champions League ka dib markii goolhaye Alisson uu ku seegay dhaawac muruqa ah.Kelleher ayaa safan doona kulankiisii ugu horeysay ee Yurub ee Reds iyadoo Adrian oo caadiyan ahaa goolhayaha ku xiga Alisson uu kursiga keydka fadhiyo.Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Alisson uu wajahayo inuu garoomada ka maqnaado 10 ilaa 14 maalmood taasoo la micno ah inuu seegayo kulanka Premier League ee ay la…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool vs Ajax – Alisson Oo Ka Maqan

Liverpool ayaa caawa garoonkeeda Anfield waxay kula ciyaareysaa Ajax kulanka shanaad ee Group D iyagoo u baahan guul ama barbaro si ay u xaqiijistaan u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League.Reds ayaa guuldarro xanuun badan ay isbuucii hore ka soo gaartay kooxda Atalanta taasoo dib u dhigtay u soo bixitaankooda wareega xiga.Liverpool ayaa leh 9 dhibcood iyagoo hogaaminaya Group D waxay labo dhibcood ka sareeyaan kooxaha Ajax iyo Atalanta oo 7 dhibcood leh.Tababare Jurgen Klopp ayaa waxaa ka maqan goolhaye Alisson oo…

Yaa Gaaray Go’aanka Inuu Lionel Messi U Dheelin Barcelona

Tababare Ronald Koeman ayaa caado ka dhigtay inuusan si weyn oo xad ka bax ah u isticmaalin Lionel Messi iyadoo tababaraha reer Holland uu xiddiga reer Argentina ka reebay kulanka ay u safrayaan kooxda Ferencvaros todobaadkan.Isagoo seegay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Dynamo Kyiv isbuucii la soo dhaafay, Messi ayaa mar kale ka maqan Barcelona iyagoo la ciyaaraya kooxda Ferencvaros xilli ay xaqiijisteen u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League.Iyadoo ay ku soo socoto kulanka ay gurigooda kula ciyaarayaan Juventus ee…

Houssem Aouar Oo Fariin Ku Aadan Suuqa Kala Iibsiga Janaayo

Xiddiga Arsenal diirada u saaran Houssem Aouar ayaa sheegay inuu ku sii negaan doono kooxda Lyon ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedk, isagoo meesha ka saaray inuu baxayo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Faransiiska ayaa ka mid ahaa xiddigaha diirada u saarnaa tababre Mikel Arteta xagaagii laakiin Gunners ayaa awoodi weysay inay heshiis la gaarto Lyon kuwaasoo 60 milyan euro ku doonayay xiddigaan.Todobaadkii la soo dhaafay waxaa sarre u kacay rajadii ay Arsenal ka qabtay inay xiddigaan la soo…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Shakhtar vs Real Madrid – Xiddig Muhiim

Real Madrid ayaa caawa marti u ah kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk kulankooda shanaad ee wareega group-yada iyagoo ogsoon in guul ay gaaraan caawa ay ugu soo bixi doonaan wareega 16ka Champions League.Kooxda Zinedine Zidane ayaa dooneysa inay ka aargudato Shakhtar oo si xun u gashay kulankii ka dhacay caasimada Spain.Tababare Zidane ayaa shax culus ku soo shirtagay isagoo khadka dhexe soo safay Odegaard oo ka garab ciyaaraya Modric iyo Kuriis halka weerarka uu hogaaminayo Benzema oo dhaawac ka soo laabtay iyadoo ay…

Seddex Waxyaabood Oo Uu Pierre-Emerick Aubameyang Ka Reebay

Qaab ciyaareedka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu saxixiay qandaraaska cusub ee Arsenal oo uu isbuucii ku qaadanayo 250 kun ginni sida uu sheegay weeraryahankii hore ee Tottenham Darren Bent.Weeraryahanka Gunners ayaa qandaraas cusub oo seddex sannadood ah saxiixay 15kii September isagoo soo gabagabeeyay shaki la gelinayay mustaqbalkiisa kooxda.Wuxuu gool dhaliyay kulankii ay Arsenal 3-0 kaga badisay Fulham maalintii ugu horeysay xilli ciyaareedka laakiin tan iyo markaas wuxuu dhaliyay kaliya…

Taajir Carbeed Oo Tartansiinaya Wayne Rooney & John Terry

Wayne Rooney ayaa tartan kala kulamaya John Terry iyadoo shaqada tababare ee kooxda Derby County ay miiska saaran tahay.Milkiilayaasha kooxda Derby ayaa la sheegay inay la dhaceen shaqada caawiye tababare ee uu halyeeyga Chelsea ka hayo kooxda Aston Villa.Xiddiga ugu goolasha badan abid xulka England Rooney oo 35 sanno jir ah ayaa haatan ah tababaraha ku meel gaarka ah ee Derby ka dib markii la ceyriyay tababare Phillip Cocu.Xiddigii hore ee Manchester United ayaa Derby ku biiray bishii Agoosto isagoo u saxiixay qandaraas ka…

Football Manager 2021 Oo Shaacisay 50-ka Ciyaartoy Ee Ugu

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa kaalinta koowaad ka galay 50-ka ciyaartoy ee dunida ugu wanaagsan waqtigan, marka laga eego dhinaca awoodda, tamarta iyo taatikada ciyaareed, sida ay shaacisay Football Manager 2021 oo daabacday qiimaynteedii ugu dambaysay.Shirkadda ciyaar gacmeedka ee Football Manager oo qiimayn ku samaysay 800,000 ciyaartoy oo ka kala tirsan 45,000 naadi oo dunida oo dhan ka kala dhisan ayaa waxay kala soo baxday 50-ka xiddig ee ugu wanaagsan, sida uu daabacay wargeyska Daily Mirror ee kasoo baxa…