Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Edinson Cavani Wuxuu U Qalmaa In La Ganaaxo In Ka Badan

Weeraryahanka Watford Troy Deeney ayaa sheegay in seddex kulan oo ganaax ah inaysan ku filneyn weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani ka dib markii uu erey af Isbaanish ah oo loo qaatay cunsurinimo uu soo dhigay baraha bulshada Arbacadii.Cavani ayaa maanta raaligelin ka bixiyay qoraalkaas, wuxuuna sheegay inay ka aheyd jaceyl iyo salaan uu u waday saaxiibkiis oo ugu hambalyeeyay guushii 3-2 ee ay Man United ka gaartay Southampton.Cavani waxaa haatan baaris ku wada xiriirka kubada cagta Ingariiska iyadoo la filayo in…

Kulamada Uu Seegayo Eden Hazard Oo La Xaqiijiyay & Zidane Oo

Eden Hazard ayaa dhaawac kale uu soo gaaray iyadoo dhaawaca cusub ee soo gaaray uu yahay mid muruqa lugta midig ah. Waxayna tani ka dhigan tahay inuu xiddiga reer Belgium garoomada ka maqnaan doono muddo seddex todobaad ah.Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa la saaray nusa saac markii ay socotay kulankii ay Real Madrid guuldarada ka soo gaartay Alaves iyadoo ay tahay dhaawacii 7aad ee soo gaaray xiddigaan tan iyo markii uu caasimada Spain yimid xagaagii 2019.Ka dib baaris lagu sameeyay Hazard ayaa la xaqiijiyay maanta inuu…

Gabar Garsoore Looga Dhigay Kulan Weyn Oo Champions League

UEFA ayaa u magacowday gabadhii ugu horeysay abid inay garsoore dhexe ka noqoto kulan ka tirsan koobka Champions League ee ragga ee la ciyaarayo todobaadkan.Gabadha garsooraha ah ee u dhalatay dalka Faransiiska Stéphanie Frappart ayaa loo magacaabay inay garsoore ka noqoto kulanka adag ee u dhaxeeya kooxaha Juventus iyo Dynamo Kiev.Waxay galeysaa taariikhda Champions League iyadoo noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee garsoore dhexe ka noqota tartankaan.Ma ahan markii ugu horeysay ee ay garsoore ka noqoto kulan weyn oo Yurub ah…

Anthony Martial Oo Isaga Tagay Tababarka Man United Kaliya

Anthony Martial ayaa isaga baxay tababarka Manchester United maanta kaliya 11 daqiiqo uu joogay xarunta tababarka.Weeraryahanka Faransiiska oo 24 sanno jir ah ayaa shalay seegay guushii ay Man United ka gaartay Southampton ka dib xumad qabatay, waxaana lagu qasbay inuu huteelka sii joogo intii ay ciyaarta socotay.Ole Gunnar Solskjaer ayaa yiri shalay: “Anthony waxaa qasab ku aheyd inuu huteelka joogo, wuxuu xanuunsaday habeenkii welina halkaas ayuu joogaa”Inkastoo uu saaka yimid xarunta tababarka Carrington madaamaay isku…

Edinson Cavani Oo Raaligelin Bixiyay & Man United Oo War Ka

Edinson Cavani ayaa raalin bixiyay ka dib markii qoraal uu soo dhigay bogiisa Instagram lagu tilmaamay inuu yahay mid cunsurinimo ah. Weeraryahanka Manchester United ayaa sheegay in fariinta uu u qoray taageeraha inay aheyd mid jaceyl ah isagoo tirtiray sawirka iyo qoraalkii dulsaarnaa durbadii loo sheegay in si qaldan loo qaadan karo qoraalkiisa. Cavani ayaa u jawaabayay nin ay saaxiibo yihiin oo u soo qoray: “Waan ku jeclahay El Madator!” isagoo ugu jawaabay “Gracias Negrito” oo micnaheedu yahay “Mahadsanid madowgii…

Xiddig Man United Ah Oo Soo Bandhigay Sida Canqowga Looga

Donny van de Beek ayaa soo bandhigay canqowga oo si xun u bararsan ka dib kulankii ay Man United guusha soo laabashada ah ka gaartay Southampton.Xiddiga reer Holland oo 23 sanno jir ah ayaa jug xoogan oo dhanka bidix ee canqowgiisa ah kala kulmay kabtanka Southampon James Ward-Prowse.Wuxuu baraha bulshada soo dhigay sawir uu ka qaaday canqowgiisa oo barar xoogan uu ka muuqdo.Wuxuu goobo ku calaamadeeyay bararka canqowgiisa isagoo ku soo dul qoray: “Ku soo dhawoow Premier League!”Van de Beek ayaa jugtaan ay soo gaartay 15…

Qalliinkii Virgil van Dijk Miyuu Qaldamay? Jurgen Klopp Oo

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in dhaawacii jilibka ee Virgil van Dijk uu waji kale yeeshay, isla markaana aanu ‘jilibkii u muuqanin sidii ay ahayd inuu noqdo’.Klopp oo warbaahinta la hadlayay Isniinta maanta ayaa waxa uu xaqiijiyey in Van Dijk oo ka jabay jilibka kaddibna qalliin lagu sameeyey bishii October ay hadda xaaladdiisu ka duwan tahay sidii la filayay.Difaaca reer Netherlands ayaa la filayay inuu garoomada kusoo laabto toddoba illaa siddeed bilood kaddib markii uu goolyaha Everton ee Jordan…

Tababare Quique Setien Oo Dacwad Ka Gudbiyey Kooxdii Shaqada

Quique Setien ayaa dacwad ka gudbiyey kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu ku eedeeyey inay jabiyeen heshiiskii u dhaxeeyey ee ahayd inay fuliyaan markii ay shaqada ka caydhiyeen xagaagii.Tababarahan reer Spain oo bishii December ee sannadkii hore shaqada ka beddelay Ernesto Valverde ayaa kaliya soo gaadhsiiyey naadiga dhamaadkii xili ciyaareedka, waxaana shaqada laga eryey markii ay Bayern Munich sida bahdilaadda ah ugu garaacday 8-2 iyo horyaalka LaLiga oo dhamaadkiisii ay Real Madrid kaga guuleysatay.Kooxda reer Catalonia…

“Maalin Ayay Soo Bixi Doontaa Runta Mesut Ozil…..” –

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Arsenal ee Jack Wilshere ayaa sheegay inuu rumaysan yahay inay maalin uun soo bixi doonto xaqiiqada Mezut Ozil oo Arsenal ay ka saartay liiska kooxdeeda, isla markaana lagu cadaadinayo inuu iskaga baxo Emirates Stadium.Mikel Artyeta ayaa u muujiyey Ozil cadaawada iyo naxariis la’aan, waxaanu ka tirtiray liiska kooxdiisa ciyaaraysa kulamada Premier League iyo Europa League ee xili ciyaareedkan, laakiin kooxdiisa ayaa dhibaato ku dhex jirta iyadoo ay taageereyaashuna la safan yihiin…

Lafta Madaxa Ayaa Jabtay – Qalliin Degdeg Ah Oo Lagu

Raul Jimenez ayaa lagu sameeyey qalliin degdeg ah kaddib jabniin lafta madaxa ah oo kasoo gaadhay isku-dhacii xalay ee David Luiz.29 jirkan ayaa loola cararay cusbitaalka iyadoo la saaray baabuurka gurmadka degdegga ah cabaar ay dhakhaatiirtu xaaladdiisa kula tacaalayeen garoonka dhexdiisa.Laacibkan ayaa galay koomo ama miyir la’aan, waxaana lagu xidhay qalab ka caawiya neefsiga illaa intii uu ka gaadhayay dhakhtarka.Raul Jimenez ayaa miyirkiisu taam ku noqday markii dhakhatarka la geeyey hase yeeshee baadhitaan lagu…