Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Isha 19:05
Muqdisho 26°C
Breaking: Somali Region President Criticizes Claims of Exclusive Ownership Over Past Struggles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Paul Scholes Oo Magacabaay LABADII Ciyaartoy Ee Ku Ceeboobay

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Halyeygii Manchester United ee Paul Scholes ayaa jeex-jeexay, dembiga guul-darrada kooxdoodana dusha uga tuuray labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee Fred iyo Scott McTominay oo ka ciyaarayay khadka dhexe ee difaaca raacsa, kuwaas oo uu tilmaamay inay awood u yeelan waayeen inay joojiyaan ciyaartoyda Arsenal.

Paul Scholes waxa kale oo uu amaan u jeediyey saxeexa cusub ee Arsenal ee Thomas Partey oo shaqo wanaagsan ka qabtay, isla markaana booskaas kaga awood roonaaday ciyaartoydii Manchester United ee ay wada halgamayeen.

Rikoodhe uu Pogba ku galay Bellerin oo uu gool u beddelay Aubameyang ayaa Arsenal ka caawiyey guusha 1-0 ah ee ay ku gaadhay Old Trafford 14 sannadood kaddib.

Inkasta oo xiddiga reer France uu qaladkaa sameeyey, haddana Scholes waxa uu rumaysan yahay in Fred iyo McTominay ay ahaayeen ciyaartoyda shaqadooda dayacay, waxaanu yidhi: “Haddii aan si daacad ah u hadlo, way liidataa sida aan ku arko Manchester United oo Old Trafford joogta.

“Waa inaad amaanta siiso Arsenal oo aad u wanaagsanayd, laakiin dhinaca kale, waa inaad wax badan ka filato United iyo labada khadka dhexe gaar ahaan. Sidii aan sheegay waqtigii nasashada, ciyaartoyda ugu hal-abuurka badan ee goolasha dhalin karayaa waa inay kubadda helaan, kaddibna labada khadka dhexe ay iyaguna ciyaarta maamulaan, balse labadani tayo ma laha.

“Waxay u ciyaarayeen sidii difaacyahannada, umay ciyaarayn sidii ciyaartoyda khadka  dhexe.”

Paul Scholes waxa uu intaa kaddib amaan kula dul-dhacay xiddiga u jilib-dhigay laacibiintii khadka dhexe ee Man United ee kaga itaal roonaaday garoonka dhexdiisa, waxaanu yidhi: “Thomas Partey ayaa meel walba oo khadka dhexe ah ku wareegaya. Ma arkaysid ciyaartoy noocaas oo kale ah maalmaha.

“Ciyaaryahanadda khadka dhexe waxay weerarayaan ciyaartoyda dhexda ama kubadda ayay soo dilayaan laakiin shaqada ciyaartoyda khadka dhexe waa inay wax walba qabtaan. Waa inaad wax walba ka qayb-qaadato, maantana wuxuu (Thomas Partey) meel kasta ka qabanayaa shaqo heersare ah.”

How do you rate this story?

0 votes