Waa Kan Xiddiga Ugu Horreeya Ee Ay Barcelona Go’aamisay Inay

Kooxda Barcelona ayaa go’aamisay saxeexa koowaad ee ay ka doonayso suuqa bisha January ee soo socota xilli ay isha ku hayaan inay markale kooxda kasoo xoojiyaan boosaskii ay ku fashilmeen inay wajiyo cusub u keenaan xagaagii dhawaa.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, tababare Ronald Koeman iyo agaasimaha kooxda ee Ramon Planes ayaa aaminsan inay u baahan yihiin saxeexa daafac dhexe oo kale isla markaana ay ishaarteen Eric Garcia oo Man City ka tirsan.

Qorshayaasha Barcelona ayaa ah inay soo xoojiso safkeeda markale bisha January walow uu Salaasadii dhawayd gabi ahaanba shaqada iska casilay madaxweynihii kooxda ee Josep Maria Bartomeu.

Sida uu xusayo il-wareedka ESPN, Koeman iyo Planes ayaa u arka Garcia saxeexiisa mid muhiim ah iyo inuu bedel mudo dheer ah u noqon doono Gerard Pique.

Barca ayaa saxeexa 19 sano jirkaas isku day day xagaagii dhawaa balse ku fashilmay inay heshiis kala gaadhaan iibkiisa Sky Blues, rajadooda ayaa ah inay markale xiisahoodii dib usoo cusboonaysiiyaan oo ay dalabaad cusub u gudbiyaan City/

Man City ayaa diiday dalabkii ugu dambeeyay oo ahaa 9 Milyan oo Pound oo lagu daray 7.2 Milyan Pound ku xidhan shuruudo, wararka ayaa sheegaya in City ay wakhtigaas 18 Milyan oo Pound ka dalbatay kooxda ree Spain.

Barcelona ayaa filanaysa inay January la heshiin doonaan City maadaama oo heshiiska Garcia uu dhammaadka xilli ciyaareedkan dhacayo taasina ay ka dhigantahay inay macquul tahay inay City hoos usoo dhigto lacagtii ay hore u dalbanaysay.

Ugu dambayn, Garcia qudhiisa iyo waliba tababare Pep Guardiola ayaa si cadaan ah u sheegay inuusan doonayn inuu heshiis cusub u kordhiyo kooxda Etihad Stadium oo uu sii joogo sanado kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More