Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Mustaqbalka Kylian Mbappe Oo Ugu Dambayn Dhinac U Dhacay &

Kooxaha doonayay saxeexa Kylian Mbappe oo ay ugu horreeyaan Real Madrid iyo Liverpool ayaa u muuqda kuwo war ay ku qancaan ka helay da’yarka Paris Saint-Germain oo u muuqda mid dhinac u jiheeyay mustaqbalkiisa dhaw.Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay gaar ahaan wargeyska xog ogaalka ah ee Marca, Mbappe ayaa aad ugu dhaw inuu heshiis kordhin u sameeyo kooxdiisa Paris Saint-Germain.Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo oo saxaafada la hadlay kaddib kulankii ay guusha ka gaadheen Montpellier sheegay inay horumar fiican ka…

Mikel Arteta Oo Warkii La Sugayay Ka Yidhi Sababtii Uu

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sharaxaad faah-faahsan ka bixiyay sababtii uu kulankii North London Derby ee xalay garoonka ugu celiyay khadkiisa dhexe ee Thomas Partey oo dhaawacan isla markaana bixitaan doonata.Musiibada Gunners ayaa halkeeda kasii socota kulamadii ugu dambeeyay waxaana ay xalay guuldarro 2-0 ah kala kulmeen kooxda uu xifaaltanka ugu weyni kala dhaxeeyo ee Tottenham oo laba gool ka kala heshay Harry Kane iyo Hueng Min Son.Intii lagu gudo jiray weerarkii rogaal celiska ahaa ee ay Tottenham…

AFAR Xiddig Oo Liverpool Ah Oo Xasuuqay Wolves, Reds Oo

Liverpool ayaa figta ugu sarraysa ee horyaalka Premier League ku qabsatay Tottenham, kaddib guul weyn oo ay ka gaadhay Wolves oo ugu timid Anfield.Reds ayaa farxadda kula qaybsatay taageereyaasheeda kusoo laabtay garoomada, waxaanay kaga farxiyeen nus-dersin goolal ah oo ay xiddigaheedu si hawl-yaraan ah ugu shubayeen goolka Wolves oo aanay ku jirin tamartii iyo awooddii looga bartay.Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu yeelatay 24 dhibcood oo ay horyaalka ku wada hoggaaminayaan Tottenham, waxaana gool dhalinta u furay…

Jamaahiirta Arsenal Oo Ka Cadhooday Ficilkii Uu Mikel Arteta

Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa rumaysan int ababare Mikel Arteta uu garoonka ku qasbay Thomas Partey oo uu ciyaarta kusoo celiyey isaga oo dhaawac ah, si uu u difaaco goolkii labaad ee uu ka dhaliyey Harry Kane.Partey oo kasoo laabtay dhaawac ayaa ku dhex dhibaatooday garoonka, waxaana uu damcay inuu baxo iyadoo ay ciyaartu maraysay 1-0, laakiin Mikel Arteta ayaa kusoo celiyey garoonka si uu ugu sii jiro, khaasatan inuu difaaco kubaddii uu dhalinayay Harry Kane oo timid waqti uu laacibkani kasoo noqonayay…

Xiddigii Garoonka Ee Aan Goolka Dhalinin, TODDOBA Ciyaartoy

Heung-Min Son iyo Harry Kane ayaa ahaa geesiyada Tottenham mar kale ku celiyey inay qabato hoggaanka horyaalka Premier League, iyagoo farxad kusoo dhoweeyey taageereyaal 2,000 qof ahaa oo markii ugu horryesay yimid Tottenham Hotspur Stadium tan iyo bishii March ee horraantii sannadkan.Labadan xiddig ayaa min hal gool u dhaliyey Tottenham kulankii North London derby ee ay 2-0 ku garaaceen Arsenal.Daqiiqaddii 13aad ayay Arsenal heshay madax-xanuunka ugu horreeyey ee ciyaarta, waxaana gool qurux badan oo uu soo jaray ka…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Liverpool vs Wolves – Klopp Oo

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield waxay ku qaabilaysaa kooxda adag ee Wolves xilli ay dersin ciyaartooyo ahi kaga maqan yihiin dhaawacyo.Tababare Jurgen Klopp oo ogsoon in kaalinta saddexaad ay u dhacday kooxdiisu ayaa kusoo bilaabay shax adag si ay hoggaanka ula wadaagi karaan Tottenham oo laba dhibcood ka horreysa Chelsea kaddib guushii ay ka gaadheen Arsenal.Roberto Firmino ayaa difaaca dhexe kula soo bilowday laacibka reer Cameroon ee Joel Matip, waxaana dhinaca bidix taam usoo noqday Robertson kaddib jug kasoo gaadhay…

Tottenham Oo Ku Tumatay Arsenal, Harry Kane & Son Oo

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay kasii talin doonto kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Arsenal oo marti u ahayd.Horyaalka oo ay hoggaankiisa si ku-meelgaadh ah u qabatay Chelsea markii ay ka badisay Leeds United Sabtidii ayaa waxa laba dhibcood ka sare martay Tottenham oo yeelatay 24 dhibcood, waxaana guusha ay ka gaadheen Arsenal mahaddeeda iska leh Son Heung-min iyo Harry Kane oo laba gool oo qurux badan u dhaliyey.Son Heung-min ayaa daqiiqaddii 13aad u dhaliyey…

Laba Jiifa, Mid Soo Noqday Iyo Laba La Sugayo – Xogta

Real Madrid ayay kusoo fool leedahay ciyaar adag oo ay garoonkeeda Alfredo Di Stefano kusoo dhoweyn doonto Borussia Monchengladbach oo ay ku qasban yihiin inay ka badiyaan si ay ugu gudbi karaan wareegga 16ka tartanka Champions League.Zinedine Zidane oo lagu xidhay mustaqbalkiisa kulankii Sevilla ay xalay dirqiga kaga adkaadeen, ciyaarta Arbacada ee Monchengladbach ay Champions League rajadoodu ku xidhan tahay iyo Atletico Madrid oo ugu sii xigta ayay u baahan yihiin inay dib u helaan xiddigaha dhaawac kaga…

Guushii Manchester United Ay Ka Gaartey West Ham Waxay Isku

Xiddiga reer France eer Paul Pogba oo bilihii ugu dambeeyey ku dhibaatoonayay Old Trafford oo uu marna dhaawac kaga maqnaa marna uu canaanta ciyaar-xumadiisa ka maqlayay warbaahinta oo xataa kaydka loo geliyey ayaa safka kooxdiisa kusoo laabtay Sabtidii, waxaanu ciyaar qurux badan ka dhigay kulankii West Ham ay guusha soo laabashada ah ka gaadheen.Manchester United oo gool lagala hor-maray ayuu Pogba u dhaliyey goolka barbarraha ka hor intii aanay Mason Greenwood iyo Marcus Rashford guusha ugu go’aaminin kooxdooda si xarrago…

Xiddiga Arsenal Mesut Ozil ayaa fariin u diray saaxiibadiisa ka hor kulanka derbiga

Mesut Ozil ayaa farriin u diray ciyaartoyda Arsenal ka hor kulanka North London derby ee ay Tottenham ku qaabilayso Gunners oo ugu tegaysa garoonka Tottenham Hotspur Stadium. Labadan kooxood oo ay ka dhaxayso cadaawad ay sabab u tahay xaafadda ay ka wada dhisan yihiin ayaa waxay natiijadeedu saamayn ku yeelanaysaa labada kooxoodba, balse waxay dhibaatada ugu daran ku tahay Arsenal oo ay suurtogal tahay inay u degto kaalinta 16aad ee miiska kala-sarraynta haddii ay guul-darro la kulanto sidoo kalena ay soo badiso Brighton…