Pep Guardiola Oo Magacaabay LABADII Kooxood Ee Ugu Adkaa Ee

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaciyey magacyada labadii kooxood ee ugu adkaa ee abid uu ka hor tegay intii uu ku jiray xirfadda tababarenimada kubadda cagta.

Pep Guardiola oo kooxdiisu ay maanta la ciyaarayso Liverpool ayaa waxa uu diyaarinayaa xeeladdii iyo khidaddii u suurtogelin lahayd inuu saddexda dhibcood kaga helo Reds si uu usoo yareeyo farqiga dhibcaha u dhexeeya, iyadoo uu sidoo kale ogyahay in haddii ay libintu raacdo kooxda Jurgen Klopp in laga sii fogaan doono oo ay hadhowna ku adkaan doonto inuu soo qabto.

Inkasta oo bandhigga Manchester City ee bilowga xili ciyaareedkan aanu ahayn mid wanaagsan, haddana Liverpool naf ahaanteeda oo hal mar laga badiyey, barbarrona gashay ayaa uga saansaan eg in bandhigeedu yahay mid joogto ah.

Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola oo la weydiiyey ka hor ciyaarta caawa, bal inuu jamaahiirta la wadaago labadii kooxood ee ugu adkaa ee abid uu ka hor tegay intii uu shaqada tababarenimada ku jiray, ayaa waxa uu markiiba lasoo booday Liverpool oo xili ciyaareedkii hore kaga guuleystay horyaalka Premier League, labadii sannadood ee ka horreeyeyna cidhiidhi ku gelisay.

Waxa kale oo uu Klopp sheegay in kooxdii Barcelona ee uu hoggaaminayay Luis Enrique sannadkii 2015kii ay ahayd kooxda labaad ee ugu adkayd ee uu waajahay.

Pep Guardiola oo hadlayay ayaa yidhi: “Anigu waligay ma yaso koox iga soo horjeedda. Markii aan joogay Bayern Munich waxa jirtay Dortmund oo Thomas Tuchel ama Jurgen Klopp ay kooxo layaab leh ka dhigeen. Markii aan joogay Barcelona, Real Madrid ayaa  joogtay, markaa mar walba way adkayd, laakiin tan iyo markii aan halkan imid ee aanu horyaalka u dagaallamaynay, Liverpool ayaa ahayd kooxda noogu xafiiltanka badnayd.

“Waxaan waajahay kooxo badan, dhamaantoodna ixtiraam badan ayaan u hayaa balse waxaan dareemayaa in Liverpool ahayd kooxdii iigu adkayd sannadihii ugu dambeeyey iyo Barcelona-dii Luis Enrique ee aanu la ciyaarnay semi-finalka Champions League anigoo Bayern Munich wata. Labadan ayaa ah kuwii ugu adkaa ee aan abid waajaho.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More