Manchester City vs Liverpool – Dagaalka Pep & Klopp,

Manchester City ayaa caawa fiidka garoonkeeda Etihad Stadium kusoo dhoweynaysa kooxda horyaalka Premier League difaacanaysa ee Liverpool oo labadii sannadood ee ka horreeyeyna ay si weyn ugu xafiiltameen koobka oo ay dirqi kaga qaadday.

Man City ayaa fadhida kaalinta tobnaad ee kala-sarraynta horyaalka Premier League, waxaanay doonaysaa inay hesho guul ay sare ugu soo kacdo kaddib qaab aan fiicnayn oo ay horyaalka ku bilaabatay, taas oo u suurtogelinaysa inay soo yarayso farqiga dhibcaha ay Liverpool ka horreyso.

Laakiin Reds ayaa dhinaceeda hoggaanka horyaalka dib ugu laaban doonta haddii ay guuleysato, waxaanay siddeed dhibcood oo nadiif ah ka horreyn doontaa wiilasha Pep Guardiola taas oo siin doonta inay xilli horeba ka fogaadaan kooxda labaad ee ugu cadcad hanashada horyaalka ee ay ka baqayso inay ka hor istaagto inay koobka difaacato.

Horyaalka xili ciyaareedkan oo ku bilaabmay qaab aan la saadaalin karin oo bilowgiiba laga badiyey labada kooxood ee hirdanka koobka loo filayay inay kalidood iskugu soo hadheen waqtiyada dambe ee dhamaadka fasal ciyaareedkan ayaa waxa dheelliga ugu weyni uu ka dhacay dhinaca Man City oo guulihii ku adkaadeen kulamadii ugu horreeyeyba.

Guul ay gaadho Liverpool waxay keeni doontaa farqi dhibco ah oo ay City ku adkaanayso inay si sahlan kusoo qabato, balse taas beddelkeeda Man City oo guuleysatay waxay keeni doontaa in kaliya laba dhibcood ay ka dambeeyaan kooxda tababare Jurgen Klopp, taas oo ay waliba usii dheer tahay in wiilasha Guardiola ay hal ciyaar ahi baaqi u tahay.

Dhibcihii ay ku lumisay kulamadii barbarraha ee Leeds United iyo West Ham United iyo sidoo kale guul-darradii xanuunka badnayd ee kasoo gaadhay Leicester City ee 5-2 ahayd muddo lix ciyaarood gudahood ah, waxay su’aal geliyeen awoodda Man City ay u leedahay inay xili ciyaareedkan tartami karto, laakiin Liveprool ayaa dhinaceeda calaamatu su’aal loo saaray markii ay Aston Villa ku karbaashtay 7-2.

Labada kooxoodba waxay khubarada ciyaaruhu ku tilmaamayaan inay ka hooseeyaan heerkii ay taagnaayeen sannadihii ugu dambeeyey, xili ciyaareedkanna noqon doono mid aad la iskugu dhow yahay oo aanay xataa wax badan ka horreyn doonin naadiyada kale.

Man City ayaa heshay garab weyn oo dhinaca difaaca ay ku xallisay markii ay lasoo saxeexatay Ruben Diaz, taas beddelkeedana Liverpool ayaa suunka dambe dabcay markii uu ka dhaawacmay Virgil van Dijk oo xili ciyaareedka oo dhan maqnaanaya.

Tababare Pep Guardiola waxa kooxdiisa dhibaato ka haysatay afka hore iyadoo ay ka dhaawacnaayeen Gabriel Jesus iyo Sergio Aguero, waxaanay taasi keentay in lixdii ciyaarood ee xili ciyaareedkan ay sagaal gool oo kaliya dhaliyaan, taas ah rikoodhkoodii gool dhalinta ee ugu hooseeyey tan iyo intii ay mulkiyadda naadigan yeesheen Imaaraadka Carabtu sannadkii 2008.

Xaqiiqo kale ayaa waxay tahay in afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey Premier League ay min hal gool oo kaliya dhaliyeen, waxaana ugu dambaysay in shan ciyaarood oo xidhiidh ah ay ku fashilmaan inay dhaliyaan wax ka badan hal gool markii ay taariikhdu ahayd March 2009.

Liverpool ayaa dhinaceeda difaaca ka dhibaataysan, waxaana laga soo dhaliyey 15 gool, halkii xili ciyaareedkii hore oo dhan 26 kaliya laga dhaliyey. Rikoodhka difaac xumada ee tababare Klopp iyo kooxdiisa haysta, waa midkii ugu xumaa tan iyo xili ciyaareedkii 1964-65kii, waqtigaas oo kulamadii ugu horreeyey laga dhaliyey goolal intan ka badan.

Rikoodhkoodii hore

Manchester City ayaa guuleysatay saddex ka mid ah afartii jeer ee ugu dambeeyey ee ay labadan kooxood ku kulmeen dhamaan tartamada, kuwaas oo ay ka mid ahayd guushii weynayd ee 4-0 ay ku garaaceen Liverpool xili ciyaareedkii hore, waqti loo xaqiijiyey in Reds ay horyaalka hanatay.

Xaqiiqo kale oo Guardiola sii farxad gelinaysa ayaa ah in saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Liverpool ay tagtay Etihad ay lasoo laabatay guul-darro, iyadoo laga soo dhaliyey 11 gool, hal gool oo kaliyana ay soo dhashadeen, taas oo ah rikoodh uu tababare Klopp doonayo inuu masaxo fiidka caawa.

Guul kale oo ay Manchester City gaadho, waxay u noqon doontaa markii u horreysay ee afar ciyaarood oo xidhiidh ah ay ka badiso Liverpool tan iyo March 1937kii.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa hal mar oo kaliya soo guuleysatay 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay tagtay Etihad Stadium, 10kii ciyaarood ee ugu dambeeyeyna shabaqeedu nadiif muu noqonin, waxaana laga dhaliyey 26 gool oo Man City ay saxeexatay.

Sidaas oo ay tahay, Jurgen Klopp ayaa ka rikoodh wanaagsan Pep Guardiola kulamada ay labadoodu si fool ka fool ah iskaga hor yimaaddeen, iyadoo uu tababaraha reer Germany siddeed jeer garaacay macallinka reer Spain marka loo eego guul-darrooyinka tababareyaasha kale u xambaariyeen.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester City vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Etihad Stadium

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Man City waxa dhaawac kaga maqan Sergio Aguero oo la filayo inuu usoo laabto dhamaadka bishan, laakiin waxay haystaan Gabriel Jesus oo usbuucii hore garoomada kusoo laabtay, waxaana la filayaa inuu kusoo laabto safka hore kulanka caawa oo uu kaydka u diro Ferran Torres.

Fernandinho iyo Benjamin Mendy ayaa sidoo kale dhaawac ku maqan, balse Guardiola wuxuu haystaa ciyaartooyo badan oo uu boosaskaas u kala doorto.

Rodri, Aymeric Laporte iyo Diaz ayaa dhamaantood taam u ah kulankan, halka Joao Cancelo uu ka doonayo tababaraha reer Spain in fursad loo siiyo kulankan.

Dhinaca Liverpool, waxa dhaawac kaga maqan Thiago Alcantara oo kulankii lixaad oo xidhiidh ah seegaya, kaddib dhaawacii kasoo gaadhay kulankii Merseyside derby ee barbarraha ay wada galeen Everton.

Van Dijk, Fabinho iyo Alexa Oxlade-Chamberlain ayaa iyaguna sariirta daaweynta ku qaadanaya waqti oo aan lagu xisaabtamayn, balse waxa taam soo noqday Diogo Jota oo jug kasoo gaadhay ciyaartii badhtamaha usbuuca ee Champions League ee uu saddexlayda dhaliyey.

Bandhiggan cajiibka ah ee uu sameeyey Jota ayaa waxa uu ku cadaadin doontaa Jurgen Klopp inuu isbeddel ku sameeyo shaxdiisa oo uu ka dhigo 4-2-3-1, iyadoo afka hore uu ku kaliyeysano Jota, halka ay Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Firmino ka dambayn doonaan. Henderson iyo Wijanldum ayaa iyaguna dhexda ahaan doona.

Difaaca ayuu kusoo laaban doonaa Joel Matip oo shan ciyaarood dhaawac  ku maqnaa, waxaanu ka garab ciyaari doonaa Joe Gomez, inkasta oo Klopp uu ka fikiri karo inuu fursad siiyo mar kale ay isku muujiyaan Phillips iyo Rhys Williams.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Laporte, Cancelo; De Bruyne, Rodri, Gundogan; Mahrez, Jesus, Sterling

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Gomez, Robertson; Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane; Jota.

Saadaasha kulanka: Khabiirada ciyaarta ee sameeya saadaasha usbuuca ayaa intooda badan libinta guushan u saadaaliyey kooxda garoonkeeda joogta ee Manchester City, laakiin Michael Owen ayaa isagu kasoo horjeedsaday oo barbarro saadaaliyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More