“Waxaan Jeclaan Lahaa Inaan La Ciyaaro” – Ashley Cole Oo
Halyeeyga kooxda Chelsea ee Ashley Cole ayaa haysan kari waayay jacaylka uu u qabo iyo sida uu u jeclaan lahaa inuu garoon la galo kubad sameeyaha cusub ee kooxdiisii hore ee Hakim Ziyech oo markale xalay bandhig weyn indhaha caalamka ku xaday.
Ziyech oo xagaagii heshiis 38 Milyan oo Pound ah ugu soo wareegay dhinaca Stamford Bridge ayaa ahaa midka sameeyay kala duwanaanshaha kulankii xalay ay Sheffield United guusha ka gaadheen gaar ahaan markii 1-0 hoggaanka looga qabtay.
Ziyech ayaa kulankaas ka sameeyay laba caawimo isaga oo goolkii kulanka 2-1 ka dhigay meel dheer uga dhiibay Ben Chilwell kahor intii uusan qalad loo dhigay oo uu soo tuuray ku caawinin Thiago Silva.
Inta uu kulamadiisa ugu horreeya Ziyech ee tartan ah u ciyaarayo Chelsea ayuu dib u dhigay dhaawac jilibka ka gaadhay balse mudada uu sugayay ayaa u muuqata mid u qalantay wakhtigaas.
Haatan Ashley Cole oo Sky Sports ka hadlayay ayaa sheegay in Ziyech uu yahay mid aad u hibo badan isaguna uu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro ciyaaryahan tayadaas oo kale leh,
Ashley oo Hakim ka hadlayay ayaa yidhi ‘Marka uu Ziyech kubadda ku qabsado lugtiisa bidix, waxay baryaysaa (Lugtu) inay ordaan ciyaaryahanada kale, isagu waa wiil hibo leh”
“Hadaan isaga la ciyaarayo waxaan markasta eegi lahaa inaan ka dambeeyo ciyaartoyda naga soo horjeeda, waan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro qof leh tayadaas, waxaan soo qaatay raaxada ah inaan lasoo ciyaaray Lampard oo iga heli jiray ciyaaryahanada kale gadaashooda”