Andrea Pirlo Oo Xaqiijiyey Nooca Dhaawac Cristiano Ronaldo
Tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo ayaa xaqiijiyey in xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu dhaawac kasoo gaadhay kuraanta intii ay socotay ciyaartii maanta ay barbarraha 1-1 ku kala baxeen Lazio.
Ronaldo ayaa Juventus u dhaliyey gool qaybtii hore kulankan oo ka dhacay garoonka dhibaatada badan ee Stadio Olimpico, waxaa se uu ku dhacay dhulka daqiiqaddii 76aad markii ay isku dhaceen laacibka khadka dhexe uga ciyaara Lazio ee Luis Alberto, taas oo keentay in beddel degdeg ah lagu sameeyo.
Andrea Pirlo oo warbaahinta la hadlay ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan inta uu gaadhsiisan yahay dhaawaca Ronaldo, hase yeeshee waxa uu xaqiijiyey in kuraanta ay waxyeello kasoo gaadhay.
“Ronaldo annaga oo kaliya ciyaartoy muhiim nooma aha, laakiin dhamaan kooxihii uu usoo ciyaaray ayuu u ahaa. Nasiib-darro, dhibaato ayaa kasoo gaadhay kuraanta, waxaana lagu qasbay inuu garoonka ka baxo.” Ayuu yidhi Andrea Pirlo oo u warramayay DAZN.
Inkasta oo Juventus ay barbarro gashay, haddana Andrea Pirlo waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabkii ay kooxdiisu u ciyaartay, waxaanu yidhi: “Ciyaar fiican ayaanu soo bandhignay, mar kaliya goolkayaga may tooganin, xataa saansaanteeda may yeelanin, laakiin waa inaanu taxadar ka samayno wax kasta.
“Tobankii sikin ee ugu dambeeyey kubadda maamaan maamulayn. Waanu ku qanacsanahay kulanka laakiin natiijada kuma qanacsanin.”
Ciyaaryahanadda kooxdiisa ayuu Andrea Pirlo ku amaanay sida fiican ee ay u ciyaareen, waxaanu sheegay inay u ciyaareen sidii karaankooda ahayd ee ugu wanaagsanayd.
Juventus ayaa ku jirta kaalinta afraad ee horyaalka wadanka Talyaaniga ee Serie A, waxaanay lixdii ciyaarood ee ay dheeshay illaa hadda ay ka urursatay 13 dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Atalanta oo ay farqiga goolasha kaga sarreeyaan, halka Inter Milan ay hal dhibic kasii hoosayso.
AC Milan ayaa horyaalka hoggaanka u haysa, waxaana labaad fadhida Sasoulo, halka AS Roma ay saddexaad ku jirto.