Mucjisadii Barcelona Ee Ansu Fati Oo Dhaawac Halis Ahi Soo

Laacibka da’da yar ee Barcelona ee Ansu Fati ayuu dhaawac culus kasoo gaadhay jilibka intii ay socotay ciyaartii ay Barcelona 5-2 ku garaacday Real Betis ee ka dhacday garoonka Camp Nou fiidkii xalay.

Ansu Fati ayaa dhulka ku dhacay markii ay loollameen Aissa Mandi, waxaana lagu abaal-mariyey rikoodhe uu Antoine Griezmann saxeexay ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin, waxaana laacibkan lagu soo beddelay Lionel Messi.

Dr. Ripoll oo ka hadlay baadhitaankii hordhaca ahaa ee lagu sameeyey 18 jirkan ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qabo jilibka, isla markaana uu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono.

Dr. Ripoll oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Barcelona ay qorshaheeda xili ciyaareedka ka saarto Ansu Fati oo uu garoomada ka maqnaan doono muddo SHAN bilood ah oo uu qaadan doono kasoo kabashada dhaawacani.

“Dhaawaca Ansu Fati wuu naga yaabiyey dhamaantayo fiidkii Sabtida. Barcelona waxa lagala xidhiidhay in dhaawacu yahay jilibka, waxaanaynu ka hadlaynaa ciyaartoy 18 sannadood oo kaliya jira.” Sidaas waxa yidhi Dr. Ripoll oo warbaahinta la hadlay.

Dhakhtarka oo la weydiiyey muddada ay inta badan qaataan dhaawacyada noocan ah ayaa waxa uu sheegay in waqtigoodu uu qaato inta u dhaxaysa saddex illaa shan bilood, taas oo ah hadal aanay jeclaysanin dhagaha tababare Ronald Koeman oo uu laacibkani ka mid ahaa ciyaartoyda goolasha ugu badan usoo dhaliyey xili ciyaareedkan.

“Waxa uu qaadan doonaa inuu maqnaado inta u dhaxaysa saddex illaa shan bilood.” Ayuu yidhi Dr. Ripoll.

Dhaawacan ayaa wax auu la mid yahay midkii xili ciyaareedkii hore gaadhay Ousmane Dembele iyo Luis Suarez oo muddo dheer garoomada ka maqnaa, taas oo keentay inay si degdeg ah ula soo saxeexdaan Martin Braithwaite xilli suuqyadu xidhan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More