Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Tottenham vs Arsenal – Mourinho Oo Shax

Tottenham ayaa garoonkeeda ku qaabilaysa Arsenal oo ay ka dhaxayso cadaawad weyn oo ay abuurtay xafiiltanka xaafadeed ee ay ka wada dhisan yihiin, iyagoo labadooduba wada deggan woqooyiga magaalada London.Tottenham ayaa hoggaanka horyaalka Premier League qaban si buuxda ula wareegi doonta haddii ay guul ka gaadho ciyaartan, waxaana uu Jose Mourinho safkiisa kusoo bilaabay Harry Kane iyo Son oo ah xiddigaha uu goolasha ugu badan ka dhalinaya horyaalka amaba caawinta ka sameeyey marka la isku geeyo waxqabadkooda.Saxeexii ay…

Fikrada Shaqsiga Ah Ee Mesut Ozil, Haddii Uu January Baxayo

Waxa xog cusub laga sheegayaa xaalada mashiinka khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil iyo rabitaankiisa kahor furitaanka suuqa xilliga qaboobaha ee bisha January.32 sano jirkan kusoo guuleystay koobka aduunka ayuu fogeeyay tababarihiisa Mikel Arteta kaas oo ka reebay liisaska xiddigaha kooxda u metelaya tartamada Premier League iyo Europe League.Balse aragtida shaqsiga ah ee uu Ozil caddaystay ayaa ah inuu doonayo inuu booskiisa u dagaalamo isla markaana uusan kooxda ka huleelayn suuqa bisha January.Heshiiska Ozil uu…

PSG Oo Go’aan Buuxa Ka Gaartey Mustaqbalka Xiddigii

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa go’aan ka qaadatay arrinta weeraryankeeda Jese Rodriguez oo lagu eedaynayay arrimo galmo la xidhiidha iyo inuu saaxiibadii qiyaamay.Xiddigii hore ee Real Madrid oo 27 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu saaxiibtii ku khiyaamay gabadh kale oo saaxibadeed ah oo Model ah.Sidoo kale mid kamida arrimaha lagu haystay Jese ayaa ahaa in lagu sawiray xaflad ka dhacday meesha lagu magacaabo Gran Canaria isaga oon raacayn sharciyada xanuunka Korona Fayras isla markaana aan wax maasgaro ah…

Mid Kamida Xiddigaha Barcelona Oo Dhaawacmay Kahor Kulanka

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa ku dhawaaqday war aan u wanaagsanayn jamaahiirteeda iyadoo shaacisay inuu dhaawac soo gaadhay garabkeeda weerar ee Ousmane Dembele oo xilli ciyaareedkan u muuqday mid sidii hore ka wanaagsan.Dhaawaca Dembele ayaa sii laba jibaaraya madax xanuunka Barcelona ee kaddib natiijadii guuldarrada ahayd ee ay xalay kala soo laabatay kooxda horyaalka ku cusub ee Cadiz.Dembele oo ahaa mid ay dhaawacyo dishoodeen tan iyo markii uu Barcelona kaga soo biiray dhinaca kooxda ree Germany ee Borussia…

Miyuu Edinson Cavani Sabab Dhaawac U Baxay Xalay? Solskjaer

Tababaraha kooxda Manchester United ayuu kasoo yeedhay hadal naxdin ku ah jamaahiirta kooxdiisa kaddib markii uu shaaca ka qaaday inuu weeraryahan Edinson Cavani u bedelay sabab dhaawac ciyaartii West Ham United ee xalay.Man United ayaa qaybtii hore ku dhibtootay kulankii Hammers ay xalay ku booqdeen gegida London Stadium iyadoo looga horreeyay gool uu dhaliyay Tomas Soucek.Tababaraha ree Norway ayaa wakhtigii nasashada bedelay Cavani iyo Donny Van De Beek isaga oo bedel deg-deg ah ku keenay Marcus Rashford iyo Bruno…

“Dhibta Kaliya Ee Giroud Haysata Waa Magaciisa, Haddii

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Patrice Evra ayaa arrin lama filaan ah ku sababeeyay sababaha uu dhaliyaha kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ula kulmo eedaynta badan waayihiisa ciyaareed.34 sano jirkan ayaa Arbacadii soo muujiyay waxa uu awooda u leeyahay kaddib markii uu afarley goolal ah kasoo dhaliyay kooxda ree Spain ee Sevilla kulan Champions League ah.Markale Giroud ayaa shabaqa soo taabtay kulankii Premier League ee ay xalay guusha 3-1 ka ah ka gaadheen Leeds United oo marti ugu ahayd Stamford Bridge.Olivier ayaa…

Jurgen Klopp Oo Si Daacadnimo Leh U Tilmaamay Kooxda Ugu

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayuu kasoo yeedhay hadal miisaan culus lehi isaga oo si daacadnimo leh u tilmaamay kooxda uu u arko mida ugu cad cad hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21.Liverpool ayaa ah kooxda difaacanaysa horyaalka balse waxa jira ilaa afar ama shan kooxood oo kale oo aan wali liiska tartamayaasha laga saari karin.Klopp ayaa aaminsan in kooxda wakhtigan u muuqata mida ugu cad cad hanashada horyaalku ay tahay Chelsea oo horumar badan samaysay isla markaana hoggaanka…

Arteta Oo Codsi U Diray Man City, Man United Oo Bruno

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…

Ma Sidanaa Horumarka & Isbedelku? Akhriso Xog Muujinaysa

Barcelona ayaa markale xalay la kulantay natiijo waji-gabax leh iyadoo guuldarro kasoo heshay booqashadeedii kooxda ku cusub horyaalka La Liga ee Cadiz iyadoo waliba qaladaad shaqsi ahi ay ahaayeen waxa ku sababay fashilkaas.Natiijadaas ayaa ka dhigan in Barcelona ay booska toddobaad kaga jirto horyaalka ilaa haatan kaddib 10 kulan iyagoo kaliya saddex dhibcood ka sarreeya kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco ee heerka labaad loogu noqdo.Mid kamida xogaha ceebta ah ee kulankaas looga diiwaan geliyay ayaa ahaa mid dhaliilaysa…

“Wuu Ka Wanaagsan Yahay Sidii Aanu Filaynay” – Wijnaldum Oo

Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa shaaca ka qaaday sida uu kooxda lama filaanka ugu noqday saxeexa dhawaan galka ah ee Diogo Jota kaas oo ahaa mid wacdarro soo dhigayay ilaa haatan xilli ciyaareedkan.Weeraryahanka ree Portugal ayaa qaab wanaagsan ku bilawday waayihiisa ciyaareed ee Anfield isaga oo 15-kiisii kulan ee ugu horreeyay 9 gool kusoo dhaliyay sidoo kalena qayb muhiim ah ka noqday shaxda Jurgen Klopp.Jota ayaa xagaagii heshiis 41 Milyan oo Pound ah Liverpool kaga soo biiray dhinaca Wolves…