Booliiska Soomaaliya oo beeniyay in Hoobiyaal lagu garaacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Sabti, September, 7, 2024 (AX) – Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa beeniyay in Xalay hoobiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
War kooban oo kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in dhawaqa jug xoogan oo tiro dhowr jeer ah Xalay qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho ay maqleen inuu ahaa baco waa weyn oo la dhigay meelo kala duwan.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay ineysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay Bacaha jugtooda laga maqlay meelo ka mid ah Muqdisho.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ee Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan, khawaarijta cadawga ummadda Soomaaliyeed, wax khasaara nafeed ah majiraan marka laga reebo wax yeelo gaartay guryo jiingada ah oo bacaha la ag dhigay” ayaa lagu war kooban oo kasoo baxay Taliska Askarta Booliiska Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee warkaan kasoo baxay Taliska Askarta Booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo 5-tii bishaan Septembar tiro hoobiyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir, gaar ahaan xaafado ku yaala agagaarka Xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kuwaas oo sababay dhaawaca laba ruux oo shacab ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More