Hargeysa (AX) — Xukuumadda Taiwan ayaa dublamaasi rug-caddaa ah oo lagu magacaabo Chou Shyue-yow u magacowday wakiilkeeda cusub ee Waqooyi Galbeed, isagoo beddelaya Chenhwa Lou oo hoggaaminayay xafiiska diblomaasiyadda Taiwan ee Hargeysa tan iyo markii la yagleelay sannadkii 2020.
Magacaabistan ayaa waxaa Talaado shaacisay hay’adda Executive Yuan ee dalka Taiwan, taas oo qayb ka ah isku-shaandheyn dhanka diblomaasiyadda ah oo lagu sameeyay xafiisyada wakiilnimo ee Waqooyi Galbeed iyo Japan.
Chou, oo xilligan ah ku-xigeenka wakiilka xafiiska Taipei Economic and Cultural Representative Office ee dalka Japan, ayaa xilka kala wareegi doona Lou, oo la filayo inuu dib ugu laabto Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.
Lou ayaa noqday wakiilkii u horreeyay ee ay Taiwan u soo magacowdo Waqooyi Galbeed bishii Ogosto 2020, isagoo kormeeray furitaankii xafiiska wakiilnimada ee Hargeysa, tallaabadaas oo horseedday bilowga xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo dhexmaray labada dhinac.
Intii uu xilka hayay, Taiwan iyo Waqooyi Galbeed waxay xoojiyeen iskaashiga dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo horumarinta farsamada gacanta.
Chou waa diblomaasi xirfaddiisa ku xeeldheer oo waayo-aragnimo ballaaran u leh xiriirka diblomaasiyadeed ee Taiwan la leedahay waddamada Japan iyo Mareykanka.
Wuxuu shahaadada koowaad ee sharciga ka qaatay Fu Jen Catholic University, isagoo shahaadada heerka labaadna ee arrimaha caalamiga iyo xeeladaha istiraatiijiyadda ka qaatay Tamkang University.
Shaqooyinkii diblomaasiyadeed ee uu hore u soo qabtay waxaa ka mid ahaa howllo uu ka soo qabtay San Francisco iyo Japan, halkaas oo uu madax uga soo noqday laanta Sapporo ee xafiiska wakiilnimada Taiwan.
Waxa kale oo uu xoghayaha guud ka soo noqday Taiwan-Japan Relations Association, oo ah urur u taagan ilaalinta iyo kobcinta iskaashiga ka dhexeeya Taipei iyo Tokyo.
Isku-shaandheyntan ayaa sidoo kale xilka loogu dallacsiiyay Chen Chih-jen, oo xilligan ahaa la-taliye ka tirsan Taipei Economic and Cultural Representative Office ee Japan, kaas oo loo magacaabay ku-xigeenka wakiilka si uu u buuxiyo booskii Chou.
Hay’adda Executive Yuan ee Taiwan ma aysan shaacin sababta keentay isbeddelkan diblomaasiyadeed, sidoo kalena ma aysan cayimin taariikh sugan oo uu wakiilka cusub xilkiisa kaga bilaabi doono magaalada Hargeysa.
Taiwan iyo Waqooyi Galbeed ayaa xafiisyo diblomaasiyadeed ka kala furtay xarumahooda sannadkii 2020, iyagoo adkeeyay xiriirkooda in kasta oo ay arrinkaas si weyn uga horyimaadeen Shiinaha iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taag ay kaga go’day Soomaaliya sannadkii 1991, iyadoo dhistay maamul iyo hay’ado u gaar ah, inkasta oo Muqdisho ay weli u aragto deegaankaas qayb aan ka go’in Soomaaliya.
Shiinaha ayaa dhankiisa u arka Taiwan qayb ka mid ah dhulkiisa, wuxuuna si adag uga soo horjeedaa xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah oo dhex mara Taipei iyo Waqooyi Galbeed.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dhaleeceysay wax-wada-qabsiga Taiwan iyo Waqooyi Galbeed, iyadoo xiriirkaas ku tilmaantay tallaabo xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Isbeddelkan ku yimid hoggaanka ayaa ku soo beegmaya xilli Taiwan iyo Waqooyi Galbeed ay weli sii wadaan wada-shaqeynta dhinacyada diblomaasiyadda iyo horumarka iyaga oo adeegsanaya xafiisyadooda wakiilnimo.