Muqdisho — Lix garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, oo uu ku jiro guddoomiyihii muranka xilkiisa ka dhashay ee Baashe Yusuf Ahmed, ayaa dacwad ka dhan ah dowladda federaalka u gudbiyay Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika (EACJ).
Qoraal rasmi ah oo ku taariikheysan Nov. 18, ayay Maxkamadda Qaybteeda Koowaad ee fadhigeedu yahay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, ku siisay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya muddo 45 maalmood ah oo ka bilaabmaysa maalinta uu gaaro ogeysiiska, si uu uga soo jawaabo dacwaddan loo diiwaangeliyay Reference No. 69 of 2026.
Ogeysiiska ayaa lagu caddeeyay in haddii ay dowladdu ku guuldarreysato inay mudadaas cayiman jawaab ku bixiso, ay maxkamaddu u gudbi karto dhageysiga iyo go’aan ka gaarista dacwadda iyadoo aysan dowladda federaalku goobjoog ka ahayn.
“Waxaa halkan lagugu amrayaa inaad ku soo gudbiso jawaab celin muddo 45 maalmood gudahood ah laga bilaabo maalinta laguu soo gaarsiiyo qoraalkan. Haddiise aad sidaas samayn weydo, dacwadda waa la dhagaysan doonaa, waxaana go’aan laga gaari doonaa adiga oo maqan,” ayaa lagu yiri ogeysiiska maxkamadda.
Lixda garsoore ee dacwadda gudbiyay ayaa kala ah Baashe Yusuf Ahmed, Salah Sheikh Ibrahim Diblawe, Abdulkadir Idris Essa, Abubakar Ahmed Ali, Abdikafar Hussein Isak iyo Abdiaziz Mohamed Yusuf.
Dacwaddan ayaa eedeysanayaal ahaan u magacowday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Garsoorayaasha ayaa dacwaddooda kaga soo horjeeda tallaabooyinkii ay dowladda federaalku qaadday kaddib go’aankii uu Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud xilka kaga qaaday Baashe guddoomiyihii Maxkamadda Sare taariikhdu markay ahayd Nov. 4.
Waxay sidoo kale dalbanayaan in baaritaan sharci lagu sameeyo faragelinta lagu eedeeyay madaxtooyada ee ka dhanka ah madax-bannaanida Maxkamadda Sare iyo carqaladaynta shaqadeeda, kaddib is-faham-waagii soo kala dhexgalay labada dhinac.
Dacwaddan ayaa daba socota loollan adag oo bilowday markii uu Hassan Sheikh xilka ka qaaday Baashe, maalin ka hor xilligii loo ballansanaa in Maxkamadda Sare ay go’aan ka soo saarto dastuuriyadda wax-ka-beddelkii muddada xil-heynta madaxweynaha iyo baarlamaanka looga kordhiyay afarta sano loona rogay shan sano.
Taariikhdu markay ahayd Nov. 5, guddi ka kooban shan garsoore ayaa xukumay in wax-ka-beddelka dastuurka aan dib loogu dabaqi karin madaxda hadda xafiisyada joogta.
Maxkamadda ayaa caddeysay in muddo-xileedka madaxweynenimada ee Hassan Sheikh uu ku egyahay May 15, 2026, halka muddo-xileedka labada aqal ee baarlamaanka federaalkana uu dhammaaday April 14.
Waxay daneeyayaasha siyaasadda ku amartay inay heshiis ku saabsan qaab-dhismeedka doorashada ku gaaraan muddo 30 maalmood gudahood ah, iyadoo amartay in doorashooyinka lagu qabto muddo 90 maalmood ah.
Maxkamadda Sare waxay sidoo kale xukuntay in xil-ka-qaadistii Baashe ay ahayd mid baalmarsan dastuurka, iyadoo sheegtay in madaxweynuhu uusan awood sharci u lahayn inuu keligiis xilka ka qaado guddoomiyaha Maxkamadda Sare isagoo aan raacin habraacyada dastuuriga ah.
Dowladda federaalka ayaa ganafka ku dhufatay go’aamadaas, iyadoo ku adkeysatay in wax-ka-beddelka dastuurka uu maamulka hadda jira u noqonayo aasaas sharci oo uu xafiiska ku sii joogo ilaa doorashooyinka qorsheysan sanadka 2027.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sidoo kale diiday awoodda dacwad-qaadista ee Maxkamadda Sare, isagoo shaki geliyay sharciyadda tallaabooyinkii ay qaadday.
Iyadoo ay jirto diidmada Maxkamadda Sare, ayaa haddana Hassan Sheikh wuxuu Nov. 7 goobjoog ka noqday dhaarinta Ibrahim Idle Suleiman oo loo magacaabay guddoomiyaha cusub, tallaabadaas oo sii kicisay murankii ku saabsanaa hoggaanka hay’adda ugu sarreysa garsoorka dalka.
Xiasaddan taagan ayaa dhinaca kale soo jiidatay dhaleeceyn caalami ah.
Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa Nov. 12 cambaareeyay tallaabadii xilka looga qaaday Baashe, iyagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida garsoorka.
Khubarada ayaa sheegay in dhowr garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare laga qaaday ilaaladii gaarka ahayd, isla markaana lagu soo rogay culeysyo dhanka socodka ah.
Waxay ku baaqeen in Baashe dib loogu celiyo xafiiskiisa, dibna loo howlgeliyo nidaamkii amniga ee garsoorayaasha, lana joojiyo falalka la sheegay inay wiiqayaan madax-bannaanida hannaanka caddaaladda.
Dacwaddan ugu dambeysay ayaa khilaafka u guda-gelisay nidaamka garsoor ee Ururka Bariga Afrika, halkaas oo lixda garsoore ay ka doonayaan dib-u-eegis sharci oo lagu sameeyo go’aannada dowladda federaalka.
Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka noqotay Ururka Bariga Afrika sanadkii 2024, taasoo ka dhigan inay hoos timaado hab-dhismeedka gobolka ee ay qeybta ka tahay Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.
Maxkamadda EACJ ayaa mas’uul ka ah fasiraadda iyo meelmarinta Heshiiska Ururka Bariga Afrika iyo dhageysiga dacwadaha hoos yimaada awooddeeda sharci.
Qoraalka ogeysiiska ah ee Nov. 18 ayaa calaamad u ah bilowga hannaanka rasmiga ah ee dowladda looga sugayo jawaabta, mana aha xukun laga gaaray sharcinimada xil-ka-qaadistii Baashe ama go’aammadii dastuuriga ahaa ee ay Maxkamadda Sare soo saartay.
Dowladda federaalka ayaan weli si shaacsan u caddeyn qaabka ay uga jawaabi doonto dacwadda ka socota maxkamadda heer gobol.
Kiiskan ayaa dhabaha u xaaraya waji cusub oo sharci ah oo ku soo biiray qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad xooggan oo la xiriira dib-u-eegista dastuurka, muddo-xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka, iyo habraaca doorashooyinka qaranka.