Muqdisho (AX) — Golaha Iskaashiga Khaliijka ee GCC ayaa si adag u canbaareeyay hadalladii dhowaan ka soo yeeray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee Imaaraatka Carabta ku eedeeyay faragelinta arrimaha gudaha, iyagoo dhaleeceyntaas ku tilmaamay mid aan mas’uuliyad ku dhisnayn isla markaana ganafka ku dhuftay waxa ay ku sheegeen olole marin-habaabin ah oo warbaahinta looga dhex wado dalkaas Khaliijka ah.
Qoraal rasmi ah oo la soo saaray Khamiis, Nov. 19, ayuu Xoghayaha Guud ee GCC, Jasem Mohamed Albudaiwi, ku caddeeyay garab-istaagga buuxa ee ay u hayaan UAE, xilli uu gaaray meeshii ugu sarreysay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Muqdisho iyo Abu Dhabi.
Albudaiwi ayaa dhalliilay hadallada mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay faafinayaan dooddo meel ka dhac ku ah doorka mugga leh ee UAE ka ciyaarto arrimaha gobolka iyo fagaareyaasha caalamka.
Bayaanka GCC ayaa hadalladaas ku sifeeyay kuwo aan xilkasnimo lahayn, isagoo si buuxda u diiday waxa uu ku tilmaamay olole dacaayadeed oo xaasidnimo ah oo lagu beegsanayo mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah golaha.
Xoghayaha guud ayaa gashaanka u daruuray eedaha loo jeediyay diblomaasiyadda UAE, isaga oo xusay in dalkaasi uu kaalin lama-illaawaan ah ka qaatay xasilinta nabadgelyada gobolka, wadahadallada nabadda iyo amniga guud ahaan.
“Martigelintii ugu dambeysay ee UAE u fidisay wadahadallada u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn waxay iftiiminaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka iyo dunida inteeda kaleba. Eedeymahan aan la aqbali karin waxay carqalad ku yihiin dadaallada aan ugu jirno horumarinta wada-hadalka iyo iskaashiga,” ayuu yiri.
Albudaiwi wuxuu carrabka ku adkeeyay in eedeymaha loo jeedinayo UAE ay wiiqi karaan hawlaha lagu xoojinayo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami intaba.
Waxa kale oo uu xusay in dalalka ku bahoobay GCC ay ka go’an tahay xaqiijinta nabadda, xasiloonida iyo horumarka, isla markaana aysan marnaba aqbali doonin dacaayado looga dan leeyahay in wax loogu dhimo sharafta iyo sumcadda dal xubin ka ah ururka.
“Dalalka GCC waxay mar kasta ku adkeysanayaan tubta lagu xoojinayo amniga, xasilloonida, iyo barwaaqada, waxayna si qayaxan u diidayaan olole kasta oo warbaahineed oo lagu xadgudbayo mid uun ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah. Ololeyaasha noocaas ahi wax saamayn ah kuma yeelan doonaan sii wadista doorkooda ku aaddan taageeridda nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaankan ayaa soo baxay xilli uu si xawli ah u sii xumaanayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo UAE, kaddib markii Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uu ku eedeeyay madaxda Abu Dhabi inay si toos ah u farageliyaan siyaasadda iyo arrimaha amniga gudaha ee Soomaaliya.
Khudbad telefishinka laga baahiyay Talaado, ayuu Hassan Sheikh ku eedeeyay UAE inay garab siyaasadeed, taageero maaliyadeed iyo mid ciidanba siiso maamullada gobollada iyo kooxo hubeysan oo ka madax-bannaan maamulka dowladda federaalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si kulul u naqdiyay heshiisyada shirkadaha laga leeyahay Imaaraatka Carabtu la galeen dakadaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, isaga oo ku dooday in arrimahaasi ay toos u dhaawacayaan madaxbannaanida Soomaaliya, loona baahnaa in heshiisyadaas laga soo gooyo laguna wada xaajoodo Muqdisho gudaheeda.
Khamiis, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa amray in danjiraha UAE uu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, waxayna sidoo kale wadatashi dib ugu yeereen safiirkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Abu Dhabi.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa tallaabooyinkan ku macneysay kuwo lama huraan u ahaa ilaalinta madaxbannaanida dalka, wadajirka dhuleed iyo midnimada qaranka.
Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UAE ayaa kaga falcelisay cambaareyn ay u jeedisay waxa ay ku sifeysay hab-dhaqan colaadeed oo ay qaadday dowladda Soomaaliya, iyadoo Muqdisho ku eedeysay inay khilaafaadkeeda siyaasadeed ee gudaha u adeegsanayso burburinta xiriirka labada dal.
Abu Dhabi waxay sidoo kale sheegtay inay horay u xirtay safaaraddeedii Muqdisho ayna dhammaan diblomaasiyiinteeda kala baxday dalka bishii January 2026, tallaabadaas oo ka dhalatay khilaafyo hore oo ka dhashay markii ay Soomaaliya laashay heshiisyo laba geesood ahaa.
Bayaankan ugu dambeeyay ee GCC ayaa xasaradda diblomaasiyadeed u yeelaya waji gobol oo ballaaran, iyadoo isbahaysigan lixda dal ka kooban uu si buuxda garab ugu muujiyay UAE kana soo horjeestay eedeymaha kaga yimid xagga Soomaaliya.
Golaha GCC waxaa xubno ka ah dalalka United Arab Emirates, Saudi Arabia, Qatar, Kuwait, Bahrain iyo Oman.
Ururku ma caddayn wax tallaabooyin diblomaasiyadeed ama kuwo dhaqaale ah oo uu ka qaadayo Soomaaliya, waxaana jawaabtiisu ku ekaatay oo keliya canbaareynta hadallada madaxda dowladda Soomaaliya iyo adkeynta taageerada dalka UAE.