Browsing Tag

federaalka

Hogaamiye Deni oo caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal toos ah la galo dowladda Federaalka

Sabti, Juun, 15, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari, Siciid Deni ayaa caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu dowladda Federaalka Soomaaliya la furo wada xaajood toos ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dowlad dhiska dalka.Hogaamiye Deni ayaa sheegay, in khilaafaadka siyaasiga ah looga gudbi karo wada hadal ku salaysan wadar oggol, iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka dastuurka dalka.Deni, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu dhinaca kale ka digay, wuxuu ugu yeeray siyaasadaha gurracan ee ku dhisan in…

Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in dib loo fasaxay mashaariicdii ka xanibnayd maamulka Waqooyi Bari

Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa sheegay dowladda federaalku inay dib -u-bilowday mashaariicda horumarineed ee horay uga socday degaanada Waqooyi Bari.Wasiirka qorshaynta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku sheegay, in maamulka Waqooyi Bari uu horey si iskiis ah u hakiyay in mashaariicdan laga fuliyo degaanada Waqooyi Bari, balse hadda uu  ogolaaday in dib loo bilaabo.“Waxaan aad ugu faraxsanahay…

Waqooyi Bari oo beesha caalamka ka codsatay in taageeradeeda aan loo soo marsiin dowladda Federaalka

 Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Waqooyi Bari ayaa codsi degdeg ah u dirtay Saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, iyagoo u gudbisay codsi ku aaddan in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada bani'aadantinimo, midda Horumarinta iyo taageerada Miisaaniyadda Soomaaliya.Waqooyi Bari waxay walaac xooggan ka muujisay inay dowladda federaalka Soomaaliya siyaasadayn xooggan ku sameysay kaalmada deeq-bixiyayaasha caalamka, iyo in taageero miisaaniyadeed lasoo mariyo bangiyada Waqooyi Bari.“Waxaan u kuurgalnay isbeddelka…

Muumin Cabdi Shire : Xukumadda federaalka waxay dhaqaale ku bixisay in ammaanka Waqooyi Bari la qalqal galiyo

 Jimco, Juun, 7, 2024 (AX) - Taliyaha ciidanka Booliiska maamulka Waqooyi Bari, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay lacago badan ku bixinayso qalqal galinta ammaanka Waqooyi Bari.Taliye Muumin ayaa sheegay, in dhawaan shirar ka dhacay magaalada Muqdisho lagu go’aamiyay in lacago lagu bixiyo sidii ammaanka Waqooyi Bari loo qalqalgalin lahaa.“Waxyaalaha dareenka leh waxaa kamid ah, in ciidamo lacag la siinayo, maleyshiyaad lagu abuuro Waqooyi Bari, ka bacdina ay qalalaase…

Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay duqayn ka dhacday gobolka Bari ee Waqooyi Bari

 Axad, Juun, 2, 2024 (AX) - Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqayn ciidamada Maraykanka ay ka geysteen degaan katirsan dhulka buuralayda gobolka Bari ee Waqooyi Bari, kaasoo lagu bartilmaameedsaday xarumaha Daacish.Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo la hadlay VOA Soomaali, ayaa u sheegay in weerarkaan uu daba socday weerar todobaad ka hor laga fuliyay degaanada Calmadow ee gobolka Bari.Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay, in weerarkan lagu burburiyay xero ay tuulada…

Firdhiye: Xukumadda Federaalka waxaan ka doonaynaa aqoonsi buuxa iyo inaan ka baxno kumeel gaarnimada

Talaado, May, 28, 2024 (AX) - Hogggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa sheegay, dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka doonayaan in maamulkooda uu ka baxo kumeel gaarnimada ayna siiyaan sharciyad buuxda, si buu yiri loogu quus gooyo maamulka Gobaladda Waqooyi.Hoggaamiyaha Khaatumo ayaa sheegay, jiritaanka maamulkiisa in uu muhiimad weyn u leeyahay isku haynta dalka, iyo in laga hortago sida uu sheegay damaca Gobaladda Waqooyi ee ku aaddan kala goynta dalka.“Xukumadda federaalka ah waxaanu…

Waqooyi Bari: Ma jiraan ciidamo federaalka katirsan oo Waqooyi Bari ka howgalla

 Isniin, May, 27, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa si adag uga horyimid war kasoo baxay dowladda fedderaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen degaanada Calmadow ee gobolka Sanaag.War saxaafadeed goor dhowayd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay, in warkaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah, iyadoo wasaaraddu tilmaamtay, in ay Waqooyi Bari amnigeeda ku filan…

Shirka Wadatashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmaya

 Talaado, May, 14, 2024 (AX) - Shirka wadatashiga dawladda federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada, ayaa ka fumaya magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan madaxda dowlad goboleedyada ay gaareen magaalada Muqdisho.Shirkan ayaa baaqday bishii hore ee April, in kastoo madaxtooyadu ay sheegtay inuu u baaqday arrimo farsamo, haddana waxaa jiray doodo dhinacyada u dhaxeeyay oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.Dhinaca kale, Puntaland ayaa mar kale diidday inay ka qeyb gasho shirka wadatashiga sida uu sheegay wasiirka warfaafinta…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More