Browsing Tag

oo

Mustafe Cagjar oo sheegay in xal laga gaarey xoolihii Jigjiga lakeeni jiray ee Ciidamadu dhexda u gali jireen

Khamiis, May, 23, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada Dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahayd arrimaha suuqgaynta xoolaha nool oo hadda ka hor ay dhibaato ka jirtay xoolaha nool ee lakeeno Sayladda magaal Jigjiga.Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ka dowlad ahaan xal laga gaaray dhibaatadii hadda ka hor haysan jirtay dadka ka ganacsada xoolaha nool, kuwaas oo markay xoolahooda usoo wadaan magaalooyinka waawayn ee…

Sadax dal oo ka mid ah Yurub oo ku dhawaaqay in dowlad u aqoonsanayaan Falastiin

 Arbaco, May, 22, 2024 (AX) - Wadamada Ireland, Spain iyo Norway oo ka mid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay iney dowlad u aqoonsanayaan Falastiin laga bilaabo 28-ka bishaan May ee sanadkaan 2024.Sadaxdaan dowladood ayaa sidoo kale sheegay iney ka rajeynayaan dalalka kale ee reer Galbeedka iney ku dayan doonaan oo ay Falastiin u aqoonsan doonaan dowladd, waxaana go'aankaan kasoo yeeray sadaxdan dowladood uu sababay in Israa'iil ay u yeerato safiiradeeda dalalka Ireland, Spain iyo Norway.Raysal…

Arday Baratay Cilmiga IT oo MIneesota Qalinjabin loogu Sameeyey, Sawiro iyo Video

Arbaco, May, 22, 2024 (AX) -Sadax iyo Labaatan Arday oo u badan Soomaalida Minnesota ayaa shalay loo qabtay kulan Qalainjabin ah ardaydaan oo baratay fasalada hordhaca ee Cilimiga IT-ga ee macluumaadka Tiknoolijiyada, waxuuna tababarkoodu socday mudo labo bilood ah.Maxamed Amin Kaahin Madaxa iyo aasaasaha Milestone Community Development oo ah hay'adii ka soo shaqaysay isku keenida iyo u diyaarinta barnaamijkan dhalinyarada ayaa AX u sheegay in qaybta shalay qalinjabisay ay yahiiin kooxdii 4aad ee dhamaysay tababarkaan,…

Askarta Booliiska oo gacanta kusoo dhigay dad ku eedeysan rabashado ka dhacay degmada Daarusalaam

Arbaco, May, 22, 2024 (AX) - Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ee ka howlgala degmada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa howlgalo ay ka saneeyeen gudaha degmadaas kusoo qabqabtay dad ku eedeysan iney rabshado ka geysteen degmada Daarusalaam.Ciidamada Booliiska ayaa gacanta kusoo dhigay Ilaa 15 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ku eedeysan iney soo abaabuleen banaanbaxyo rabshado watay oo khasaare sababay.War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dil toogasho ah ku xukuntay xubin ka tirsan Al-shabaab

Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday xubin ka tirsan kooxda Al-shabaab oo gudaha magaalada Muqdisho ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Khadiijo Siyaad Maxamed.Ninkaan Maxkamaddu ku xukuntay dilka ayaa lagu magacaaba Ibraahim Aadan Maadeey oo magaciisa afgarashada kooxda Shabaab looga dhex yaqaano lagu sheegay Cabdiraxmaan oo mushaar ahaan kooxda uga qaadan jiray lacag u dhaxeysa 70 ilaa 90 doolar.Ciidamada amaanka ayaa gacanta…

Kenya oo xabsi 12 sano ah ku xukuntay nin katirsanaa kooxda Daacish

Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Xukumadda Kenya ayaa xabsi 12 sano ah ku ridday Mohamed Abdi Ali oo loo yaqaan Abu Fidaa, Abu Shuhadaa, kaasoo ay sheegtay inuu katirsanaa kooxda argigixisada ah ee Daacish.Maxkamadaynta iyo xukunka lagu ridday ninkaan ayay dowladda Kenya sheegtay, inuu  ka hortagay weeraro argagixisanimo oo uu qorsheynayay in uu ka fuliyo Kenya isaga iyo dadkii la socday.Sanadkii 2016 ayaa ninkan lasoo qabtay, tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xukun suge.Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Kenya, ayaa warbixin…

Xaafado horleh oo looga barakacay Fatahaada Wabiga Shabeelle ee dhexmara Baledweyne

 Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Waxaa sii kordhaya qoysaska ka barakacaya fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameynayo xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Qeybo ka mid ah xaafadaha Buundaweyne iyo Howlwadaag ayaa Xalay iyo saakay waxaa ka socda barakac xoogan, kadib markii uu wabiga ku jabsaday laamaha Doonsubagle iyo Faarax geedi ee xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag.Labadaan xaafadood ee Xalay iyo saakay qeybo ka mid ah looga barakacayo fatahaada ayaa ahaa maalmahii lasoo dhaafay kuwa rajadooda aad u…

Waqooyi Bari oo xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday rag loo haysto inay katirsan yihiin Alshabaab

Talaado, May, 21, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Waqooyi Bari ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday afar eedaysane oo lagu helay inay xiriir laleeyihiin kooxda Alshabaab.Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Axmed (Qeyliye) ayaa lagu helay inuu heshiis kula jiray horjoogaha kooxda Alshabaab ee Waqooyi Bari.Maxkamaddu waxay sheegtay eedeysanahan inuu Shabaab u qaabilsanaa inuu u kaxeeyo gaadiidka lagu soo qaado dableyda kooxda Shabaab u qaabilsan dilalka qorshaysan.Maxkamaddu…

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo sheegay in Gobaladda Waqooyi ku jabi doonto hadii ay dagaal kale ku qaado Laascaanood

 Talaado,  May, 21, 2024 (AX) - Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Gobaladda Waqooyi uga digay in ay dagaal kale ku qaado deeganadiisa, isaga oo sheegay in ay jabin doonto.Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan cariga Talyaaniga, ayaa jaaliyada reer SSC Khaatumo ee magaalada Rooma uga warbixiyay xaalada deegaanadii iyo dadkii uu ka yimid."Hada Muuse waa soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxa hal ku dhag u ahayd Muusow ciidanka fasax, Muuse hada wuxuu…

Hogaamiyaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii dalka Iiran oo ku geeriyooday shil diyaaradeed

 Isniin, May, 20, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii dalka  Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale oo la socday diyaarad Helicopter ah oo shil ku gashay gobol ka mid ah dalka Iran.Hogaamiyaha Iiran iyo wafdigiisa ayaa la socday 3 ka mid ah diyaaradaha Iran, waxaana la sheegay in cimilada oo xumaatay ay sababtay in diyaaradii gaarka aheyd ee siday Hogaamiye Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More