Browsing Tag

oo

Dadkii ka barakacay Fataahada Baledweyne oo bilaabay iney dib ugu laabtaan guryahooda

Axad, May, 26, 2024 (AX) - Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay naq la taaban karo ka sameeyay xaafadaha Baledweyne.Xaafadaha sida weyn u saameysay fatahaada wabiga Shabeelle ayaa kala ahaa Kooshin iyo Xaawa taako oo ay ka barakaceen qoysaska ugu badan, halka Bundaweyn iyo howlwadaag meelo kooban uu uga fatahay wabiga.Qaar ka mid ah qoysaskii barakacay ayaa durba bilaabay iney dib ugu soo laabtaan guryahooda oo wali wadooyinka loo maraya ay yihiin…

Faahfaahin kasoo baxaya 7 caruur ah oo Maanta baddu ku qaaday xeebta magaalada Marka

Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya magaalada xeebeedka Marka ayaa ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ilaa 7 caruur ah ay maantu qaaday badda.Laba ka mid ah 7-da caruurta ah ayaa lasoo badbaadiyay, iyadoo sidoo kale la helay mid sadaxaad oo meydkiisa biyaha soo saareen, sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah Odayaasha deegaanka.Labada caruurta ah ee lasoo badbaadiyay ayaa la sheegay in la dhigay Isbitaalka magaalada Marka, halkaas oo lagula tacaali haayo xaaladooda caafimaad.Cabdalla Bashiir…

Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo Maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel barafaange oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo wada dega bariga Galgaduud, waxaana la soo wariyay in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka…

Maxkamadda gobolka Banaadir oo dambi ku weyda Koofi iyo Saabey

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa wax dambi ah ku weyday agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, Muxiyadiin Xasan Jurus (Saabey).Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa faray hay’adaha ay ka tirsanaayeen masuuliyiintan inay usoo celiyaan xaquuqdoodii sharci, wuxuuna sheegay in maxkamaddu ka bari yeeshay dhammaan eedeymihii musuq maasuq ee loo haystay labadaan…

Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabagal ah oo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen kolanyo ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya oo ku socdaalayay duuleedka magaalada Gaarisa.Weerarka dhabagalka ah ayaa si gaara uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Ijaara, waxaana halkaas Al-shabaab iyo ciidamada Booliiska dalka Kenya ku dhexmaray dagaal xoogan oo qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira…

Taliska Booliiska Soomaaliya oo ku hanjabay in la soo xiri doono qof walba oo ka caytama baraha bulshada

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sulub Axmed Firin ayaa ka hadlay talaabooyin dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidanka kusoo xirxireen qaar ka mid ah shaqsiyaad caan ka ah baraha bulshada oo aflagaado iyo kicin dadweyne ka dhex waday baraha Internetka. Taliye Sulub ayaa sheegay in marnaba la ogolaan doonin in baraha bulshada laga dhex caytamo, qof walbo oo ka caytantana lasoo xiri doono lana horkeeni doono sharciga, isagoona xusay in shaqada Booliiska ay tahay ilaalinta sharciga iyo…

Xukumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay cunaqabateynta Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay saddex hogaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab

 Sabti, May, 25, 2024 (AX) - Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateyn ku soo rogay saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu qabo qaraarka tirsigiisu yahay 2713.Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweis Jaamac ayaa bogaadiyay go’aankan.“Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay bogaadinaysaa go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cunaqabateeyey saddex ka mid ah…

Gobaladda Waqooyi oo ka hadashay heshiiska Itoobiya iyo qorshaha uga yaala gobolka Sool

 Jimco,  May, 24, 2024 (AX) - Wakiilka Gobaladda Waqooyi ee Kenya ayaa sheegay in gobolka Sool aanu Gobaladda Waqooyi ka go'i dooni, waxa kale oo uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi uu horumar dhaqaale u horseedi doono gobolka.Wakiilka  Maxamed A. Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi ay ka shaqaynayso nabada gobolka Sool, isaga oo kasoo horjeedsaday aqoonsiga Hogaamiyaha Soomaaliya ee maamulka SSC Khaatumo."Taasi waa fikirkiisa lakiin Gobaladda Waqooyi dhul…

Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ku saabsan kalluumaysiga

 Jimco, May, 24, 2024 (AX) - Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xassan Aadan, ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.Is afgaradkaan ayaa ku saabsan kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah.Heshiiskan is afgaradka ah ayaa wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya wuxuu sheegay inuu xoojinayo…

Ciidamada Midowga Yurub oo soo furtay markab ay afduubteen kooxaha burcad badeeda Soomaalida

 Jimco, May, 24, 2024 (AX) - Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa sheegay in markabka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana 17-shaqaale oo la socday ay bad qabaan.Markabkan ayaa waxaa Khamiistii weerar ku qaaday kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, isagoo marayay meel 380-mayl-badeed bari ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,  sida ay bayaan ku…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More