Browsing Tag

oo

Alshabaab oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday degmada Bardaale ee gobolka Baay

 Jimco, May, 24, 2024 (AX) - Ugu yaraan saddex askari oo katirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhaawacmay weerar gaadmo ah oo ay xalay degmada Bardaale ee gobolka Baay kusoo qaadeen dabley katirsan kooxda Alshabaab.Taliyaha qeybta booliiska gobolka Baay ayaa sheegay inay ciidamadu iska caabiyeen weerarka Alshabaab, isagoo sheegay inay horey u hayeen xogta weerarka.Waxa uu sheegay in dhankooda uusan jirin khasaare dhimasho ah oo weerarkaas kasoo gaaray, isagoo sheegay in ciidamada ay ku raad joogaan kooxdii weerarka soo…

Burcad Soomaalida oo afduubtay Markab xamuul ah oo ka diiwaangashan Liberia

 Jimco, May, 24, 2024 (AX) - Markab nooca xamuulka qaada ah oo lagu magacaabo Basilisk oo ka diiwaan gashan Liberia, ayaa la sheegay in ay qabteen burcad badeed Soomaali ah, sida ay sheegayaan wararka laga helayo saraakiisha ammaanka badda.Hawlgalka ganacsiga badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegay in koox aan la aqoonsan ay ka raaceen markabka ganacsi meel qiyaastii 420 nautical miles koonfur bari ka xigta degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.Afduubka markabka ayaa waxaa geystay shaqsiyaad la socday labo…

Kenya oo digniin kasoo saartay khatarta argigixisnimo ee ka dhalan karta bixitaanka ciidamada ATMIS

 Jimco, May, 24, 2024 (AX) - Hogaamiyaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa walaac ka muujiyay bixitaanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Intii uu ku sugnaa dalka Mareykanka, Ruto waxa uu ku baaqay in Mareykanka uu taageero si looga hortago arrimaha ammaanka ee gobolka Geesjka Afrika.Ruto waxa uu sheegay in ka bixitaanka ciidamada ATMIS ay kordhin karto weerarrada argagixisnimada Soomaaliya. Ruto iyo Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labaduba ka walaacsan habacsanaanta amni ee soo socota.Ruto…

Howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud

 Khamiis, May, 23, 2024 (AX) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Geerile oo dhanka Galbeed kaga beegan degmada Ceeldheer.War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab…

Golaha Ammaanka oo Cunaqabatayn kusoo rogay hoggaamiyayaal katirsan Alshabaab

 Khamiis, May, 23, 2024 (AX) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-ShabaabWar saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.Waxaa lagu soo rogay…

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Khamiis, May, 23, 2024 (AX) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu dilay Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa geystay dilka Xildhibaanka kuwaas oo qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay dhowr xabadood, taasoo keentay in Xildhibaanka uu ku geeriyoodo isla goobta.Alle ha u naxariiste marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu magaalada Muqdisho u joogay howlo shaqo, waxaana geeridiisa ka…

Maleeshiyo beeleed hubeysan oo Shabeellaha dhexe ku weeraray ciidamo ka tirsan Danab

 Khamiis, May, 23, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Xalay ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa maleeshiyo beeleed hubeysan ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Danab oo sida la sheegay ka ambabaxay magaalada Jowhar, islamarkaana kusii jeeday gobolka Hiiraan.Ciidamada Danab iyo maleeshiyaadka weerarka dhabagalka ah ku qaaday ayaa waxaa dhexmaray dagaal mudo kooban socday oo sida…

Mustafe Cagjar oo sheegay in xal laga gaarey xoolihii Jigjiga lakeeni jiray ee Ciidamadu dhexda u gali jireen

Khamiis, May, 23, 2024 (AX) - Hogaamiyaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada Dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahayd arrimaha suuqgaynta xoolaha nool oo hadda ka hor ay dhibaato ka jirtay xoolaha nool ee lakeeno Sayladda magaal Jigjiga.Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ka dowlad ahaan xal laga gaaray dhibaatadii hadda ka hor haysan jirtay dadka ka ganacsada xoolaha nool, kuwaas oo markay xoolahooda usoo wadaan magaalooyinka waawayn ee…

Sadax dal oo ka mid ah Yurub oo ku dhawaaqay in dowlad u aqoonsanayaan Falastiin

 Arbaco, May, 22, 2024 (AX) - Wadamada Ireland, Spain iyo Norway oo ka mid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay iney dowlad u aqoonsanayaan Falastiin laga bilaabo 28-ka bishaan May ee sanadkaan 2024.Sadaxdaan dowladood ayaa sidoo kale sheegay iney ka rajeynayaan dalalka kale ee reer Galbeedka iney ku dayan doonaan oo ay Falastiin u aqoonsan doonaan dowladd, waxaana go'aankaan kasoo yeeray sadaxdan dowladood uu sababay in Israa'iil ay u yeerato safiiradeeda dalalka Ireland, Spain iyo Norway.Raysal…

Arday Baratay Cilmiga IT oo MIneesota Qalinjabin loogu Sameeyey, Sawiro iyo Video

Arbaco, May, 22, 2024 (AX) -Sadax iyo Labaatan Arday oo u badan Soomaalida Minnesota ayaa shalay loo qabtay kulan Qalainjabin ah ardaydaan oo baratay fasalada hordhaca ee Cilimiga IT-ga ee macluumaadka Tiknoolijiyada, waxuuna tababarkoodu socday mudo labo bilood ah.Maxamed Amin Kaahin Madaxa iyo aasaasaha Milestone Community Development oo ah hay'adii ka soo shaqaysay isku keenida iyo u diyaarinta barnaamijkan dhalinyarada ayaa AX u sheegay in qaybta shalay qalinjabisay ay yahiiin kooxdii 4aad ee dhamaysay tababarkaan,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More