Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo sheegay in Gobaladda Waqooyi ku jabi doonto hadii ay dagaal kale ku qaado Laascaanood

 
Talaado,  May, 21, 2024 (AX) – Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Gobaladda Waqooyi uga digay in ay dagaal kale ku qaado deeganadiisa, isaga oo sheegay in ay jabin doonto.
Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan cariga Talyaaniga, ayaa jaaliyada reer SSC Khaatumo ee magaalada Rooma uga warbixiyay xaalada deegaanadii iyo dadkii uu ka yimid.
“Hada Muuse waa soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxa hal ku dhag u ahayd Muusow ciidanka fasax, Muuse hada wuxuu leeyahay ka baydha waan fasaxayaaye, inshallah wuu ku jabi” ayuu yidhi Firdhiye.
Firdhiye waxa uu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii deegaanada SSC Khaatumo ay u noqon lahaayeen qaar nabad ah oo xasiloon, isla markaana loo tirtiri lahaa raadkii ay dagaaladu ka tageen.
Isaga oo ku goodiyay in qaar kamid ah askarta Gobaladda Waqooyi ee ay gacanta ku hayaan ay horgayn doonaan cadaalad, dhawaan ayuu sheegay in kiis ka dhan ah madaxda Gobaladda Waqooyi uu u gudbiyay Maxkamada Dambiyada Dagaalka.
Gobaladda Waqooyi ayaa dhankeeda sheegtay in ay si dhakhso ah gacanteeda ugu soo celin doonto deegaanadii ay ku lumisay dagaalkii kal hore ka dhacay gobolka Sool.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More