Mustafe Cagjar oo sheegay in xal laga gaarey xoolihii Jigjiga lakeeni jiray ee Ciidamadu dhexda u gali jireen

Khamiis, May, 23, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo kulan la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada Dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahayd arrimaha suuqgaynta xoolaha nool oo hadda ka hor ay dhibaato ka jirtay xoolaha nool ee lakeeno Sayladda magaal Jigjiga.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ka dowlad ahaan xal laga gaaray dhibaatadii hadda ka hor haysan jirtay dadka ka ganacsada xoolaha nool, kuwaas oo markay xoolahooda usoo wadaan magaalooyinka waawayn ee degaanka Ciidamadu ku dhici jireen duleedka magaalada iyagoo sabab uga dhigaya inay xoolahaas yihiin waxa ay ku sheegeen Kootarabaan.
“Waxaa la go’aamiyay inaan la qaban xoolaha ka imaanaya Baabili iyo magaalooyinka kale,  go’aanka hadda yaalla Xafiiska Canshuuraha ee heer Faderal qeybta degaanka Soomaalida ayaa ah inaysan Kootarabaan ahayn xoolaha ka imaanaya Dhagaxbuur iyo kuwa la keenayo magaalada Jigjiga” ayuu yiri Hogaamiye Mustafe Cagjar.
Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray inay dhici karto inay jirto dhacdooyin lid ku ah waxa lagu heshiiyay oo ah inaysan Kootarabaan ahayn xoolaha Jigjiga lakeenayo, kuwaas oo Madaxweynuhu sheegay inay gaysanayaan dad hoose balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arrimahaasi markay cabashadooda soo gaadho Xukumadda in markaaba la xalliyo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa horey u jirtay in xoolo badan oo isugu jira Ari, Lo’ iyo Geel laga kala keenay magaalooyinka ku dhow Jigjiga oo loosoo iib geeyay magaalada Jigjiga, ay dhexda u galaan Ciidamada Faderal Booliska kadibna ay xoolihii la wareegaan iyagoo ku sheegaya inay xoolahaasi yihiin kuwo aan sharci ahayn ama Kootarabaan ah, balse hadda Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arrintaas heshiis buuxa laga gaaray.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More