Hogaamiyaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii dalka Iiran oo ku geeriyooday shil diyaaradeed

 
Isniin, May, 20, 2024 (AX) – Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii dalka  Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale oo la socday diyaarad Helicopter ah oo shil ku gashay gobol ka mid ah dalka Iran.
Hogaamiyaha Iiran iyo wafdigiisa ayaa la socday 3 ka mid ah diyaaradaha Iran, waxaana la sheegay in cimilada oo xumaatay ay sababtay in diyaaradii gaarka aheyd ee siday Hogaamiye Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Iran ay ku dhacday dhulka buuraleyda ah e bariga dalkaas.
Warbaahinta gudaha ee dalka Iran ayaa ku warameysa in ilaa toddoba qof ay gaareyso tirada masuuliyiinta iyo saraakiisha shilkaas kula geeriyootay Hogaamiye Ibraahim Raisi.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More