Arday Baratay Cilmiga IT oo MIneesota Qalinjabin loogu Sameeyey, Sawiro iyo Video

Arbaco, May, 22, 2024 (AX) -Sadax iyo Labaatan Arday oo u badan Soomaalida Minnesota ayaa shalay loo qabtay kulan Qalainjabin ah ardaydaan oo baratay fasalada hordhaca ee Cilimiga IT-ga ee macluumaadka Tiknoolijiyada, waxuuna tababarkoodu socday mudo labo bilood ah.
Maxamed Amin Kaahin Madaxa iyo aasaasaha Milestone Community Development oo ah hay’adii ka soo shaqaysay isku keenida iyo u diyaarinta barnaamijkan dhalinyarada ayaa AX u sheegay in qaybta shalay qalinjabisay ay yahiiin kooxdii 4aad ee dhamaysay tababarkaan, waxuuna Maxamed Amiin ii sheegay in kuwan qaar ka mida ay hada heleen shaqooyin cilmigaas ah tababar waxbarashana laga sii baxin doono.
Barnaamijka Waxbarashada ee ardaydaan waxaa iska kaashday Milestone Community Development, North Central University, iyo Ramsey County.

AXADLE WARARKA MAANTA -
AXADLE WARARKA MAANTA -
AXADLE WARARKA MAANTA -
AXADLE WARARKA MAANTA -
AXADLE WARARKA MAANTA -
AXADLE WARARKA MAANTA -
AXADLE WARARKA MAANTA -
AXADLE WARARKA MAANTA -

Waalidiinta iyo Ardaydii kulanka soo Qalinjabinta ka soo qaybgalay ayaa aad ugu riyaaqay fursadaha la siiyey iyo dadaalkii dheer ee ay galiyeen tababarkaan
HALKAN KA DAAWO XAFLADDA QALINJABINTA
9999999999
Siyad Salah
HiiraanOnline



This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More