Gobaladda Waqooyi oo ka hadashay heshiiska Itoobiya iyo qorshaha uga yaala gobolka Sool

 
Jimco,  May, 24, 2024 (AX) – Wakiilka Gobaladda Waqooyi ee Kenya ayaa sheegay in gobolka Sool aanu Gobaladda Waqooyi ka go’i dooni, waxa kale oo uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi uu horumar dhaqaale u horseedi doono gobolka.
Wakiilka  Maxamed A. Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi ay ka shaqaynayso nabada gobolka Sool, isaga oo kasoo horjeedsaday aqoonsiga Hogaamiyaha Soomaaliya ee maamulka SSC Khaatumo.
“Taasi waa fikirkiisa lakiin Gobaladda Waqooyi dhul weeyaan, dhulkaana lama badali karo, aragti qof uu wato iyo qof Xamar joogaa midna waxba kama badali karo, Laascaanood iyo deegaankaasi Gobaladda Waqooyi ayuu ka tirsanyahay wayna ka tirsanaan doonaa” ayuu yidhi Wakiil Maxamuud.
Wakiilka oo ka hadlay heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskani uu u taaganyahay isdhaxgalka dhaqaalaha Afrika, laguna gaadhi doono badhaadhee dhaqaale oo ay horseedi doonaan Itoobiya iyo Gobaladda Waqooyi oo ku taala goob muhiim u ah ganacsiga gobolka.
Wakiilka oo la waydiiyay hadii uu heshiiska Soomaaliya iyo Turkigu wax saamayn ah ku yeelan doono biyaha Gobaladda Waqooyi, ayaa sheegay in Turkigu aanu Gobaladda Waqooyi la galin wax heshiis ah sidaa darteedna aanu heshiiska Ankara iyo Muqdisho saamayn ku yeelan doonin.
“Ogolaansho Gobaladda Waqooyi uunbuu Turkigu ku iman karaa Gobaladda Waqooyi, hadii aanu ogolaansho Gobaladda Waqooyi ka haysan bada iyo dhulka midna ma iman karo” ayuu yidhi Wakiil Maxamuud.
Xukumadda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiska Gobaladda Waqooyi iyo Itoobiya iyada oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More