Dadkii ka barakacay Fataahada Baledweyne oo bilaabay iney dib ugu laabtaan guryahooda

Axad, May, 26, 2024 (AX) – Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay naq la taaban karo ka sameeyay xaafadaha Baledweyne.
Xaafadaha sida weyn u saameysay fatahaada wabiga Shabeelle ayaa kala ahaa Kooshin iyo Xaawa taako oo ay ka barakaceen qoysaska ugu badan, halka Bundaweyn iyo howlwadaag meelo kooban uu uga fatahay wabiga.
Qaar ka mid ah qoysaskii barakacay ayaa durba bilaabay iney dib ugu soo laabtaan guryahooda oo wali wadooyinka loo maraya ay yihiin kuwa wasaqeysan oo ay dhex fadhiyaan haraadiga biyahii fatahaada.
“Inaan wasaqda isaga soo dhex laabano danta ayaa nagu kaliftay, sababto ah meelaha aan u qaxnay waa dhul banaan oo maalintiina cadceeda kugu baxeyso, habeenkiina dhaxanta kugu dhaxeyso, marka guryaheena wax inoo dhaama ma jiraan, wasaqda iyada iska dhaman doonto waqti kooban” ayuu yiri mid ka mid ah dadka dib ugu soo laabtay xaafada kooshin, gaar ahaan laanta Raadeerka.
Si kastaba ha ahaatee fatahaadi xaafado ka mid ah  Baledweyne ku dhufatay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sababtay barakac baahsan, burburka guryo fara badan oo ay biyaha qaadeen iyo wadooyinka oo sidoo kale burbur lixaad leh kasoo gaareen biyaha, waana fatahaadi labaad oo mudo lix bilood gudahood ah kuso fatahda magaalada Baledweyne.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More