Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 
Sabti, May, 25, 2024 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabagal ah oo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen kolanyo ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya oo ku socdaalayay duuleedka magaalada Gaarisa.
Weerarka dhabagalka ah ayaa si gaara uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Ijaara, waxaana halkaas Al-shabaab iyo ciidamada Booliiska dalka Kenya ku dhexmaray dagaal xoogan oo qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.
Kooxda Al-shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegatay in khasaare xoog leh ay gaarsiiyay ciidamada Kenya, islamarkaana ay gubtay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ciidanka Kenya ay wateen.
Weerarkaan ayaa qeyb ka noqonaya weeraro kooxda Al-shabaab ay inta badan ka geysato deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay ku beegsadeen ciidamada Kenya ee Booliska iyo kuwa Milateriga marka ay ku socdaalayaan deegaanada gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More